Howlgallo Ballaaran Oo Laga Sameeyay Howlwadaag

0
386

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka sameeyay degmada Howlwadaag ee G/ Banaadir.

Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay Ciidamadu guri guri ugu baarayeen xaafado ka tirsan degmadaasi.

Lama oga natiijada ka soo baxday baaritaanadaasi, balse saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in u jeedku ahaaa xaqiijinta amniga degmada Howlwadaag.

Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa maalmihii dambe degmooyinka gobolka Banaadir ka waday howlgallo looga hortagayo amni darrada Muqdisho.

Radioshabelle