Madaxweynaha Somaliland oo kula kulmay Hargeysa safiirka Maraykanka dalka Soomaaliya

0
150

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo safiirka dalka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Ambassador Donald Y. Yamamoto.

Kulankan ayaa loogaga hadlay arrimo kala gedisan oo ay ka mid yihiin xiriirka labada dhinac iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan leh ee ka dhexeeya.

“Arrimaha ugu waaweyn ee kulankan loogaga hadlay waxaa ka mid ahaa dardargelinta arrimaha doorashooyinka Somaliland, sidii ay shirkadaha Maraykanku u maalgashan lahaayeen ugana faa’iidaysan lahaayeen horumarka ay ku talaabsanayso Somaliland, xaaladda gobolka, Amaanka iyo qoddobo kale.”ayuu yiri mas’uul u hadlay maamulka Somaliland.

Booqashada safiirka Maraykanka uu ku tegey magaalada Hargeysa ayaa imanaysa maalmo kadib markii ay sidoo kale booqdeen safiirada wadamada Jarmalka iyo Ingiriiska ee dalka Soomaaliya.

Jowhar