Wafdi culus oo ka socda Midowga Yurub iyo UK oo tagay Hargeysa

0
388

Wafdi ballaadhan oo ka socda Midowga Yurub iyo UK ayaa maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Wafdigan ayaa waxa madaarka Cigaal International kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibada Iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Wasiirada ayaa ku qaabilay Wafdigan yimid Somaliland oo tiradoodu dhameyd 18-xubnood,  qaybta VIP-da ee madaarka Cigal International Airport, iyadoo loo sii gudbiyey oo la dajiyey Hotel Ambasador.

Wafdigana ayaa waxay kulamo la qaadan doona Madaxda ugu sareysa Somaliland, iyagoo kulan gaara la qaadan doona Madaxweynaha Somaliland.

Caasimada