Warbixin BBC: Shacabka Suudaan oo wali diidan xukunka milatariga

0
260

Kumannaan qof oo dibadbaxayaal ah ayaa wacad ku maray in ay sii joogi doonaan waddooyinka caasimadda dalka Suudan ee Khartoum, waxa ayna ku gacan seyreen bandow uu soo rogay golaha cusub ee milatariga ee shalay xukunka dalkaasi la wareegay.

Madaxweyne Cumar Al-Bashiir oo muddo dheer soo xukumayay dalkaasi ayaa shalay oo kahmiis ahayd la inqilaabay, kadibna xabsiga la dhigay.

Balse dadka dibadbaxyada dhigaya ayaa sheegaya in golahani cusub ee milatarigu uu qayb ka yahay nidaamkii hore ee Cumar Al-Bashii.

Ismaandhaafkani cusub ayaa sade qaaday cabsi ah in rabshado iyo isku dhacyo dhex maraan dadka dibad-baxyada dhigaya iyo ciidanka milatariga.

Waxaa sidoo kale jira khatar dhab ah oo ah in qaybaha kala duwan ee ciidamada ammaanka iyo maleeshiyaadka ay iyaga dhexdooda dagaalamaan, sida uu sheegaya tifaaftiraha BBC-da ee Africa Will Ross.

Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa labaduba ku baaqay in xaaladda la dejiyo.

Dabaaldegyadii ka dhashay xarrigga madaxweyne Al-Bashiir oo 75-jirka ah ayaa markiiba isu badalay caro ka dib markii dadka dibadbaxyada dhigaya ay ku baaqeen in ay hor fariistaan xarunta milatariga dalkaasi.

“Maamulkani cusub waxa uu la mid yahay kii hore,” ayuu yiri Sara Cabdeljaliil oo ka tirsan ururka Xirfadlayaasha reer Suudaan. “Sidaa daraadeed waxa aan ubaahanahay ayaa ah inaan si nabad ah u sii wadno dagaalka iyo kacdoonka.”

Gelinkii dambe shalay oo khamiis ahayd ayaa qoraal rasmi ah oo lagu baahiyay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in bandowgu uu socon doono laga billaabo tobanka fiidnimo ilaa afarta aroornimo.

“Muwaadiniintu waxaa lagula talinayaa in ay amarkaasi u hoggaansamaan sababo la xiriira amnigooda,” ayuu lagu yiri qoraalkaasi, waxaana intaasi lagu daray: “Ciidamada qalabka sida iyo golaha amnigu waxay fulin doonaan waajibaadkooga ah inay ilaaliyaan nabadda iyo amniga isla markaana ay ilaaliyaan hantida iyo nolasha shacabka .”

Dadka isugu soo baxay waddooyinka Khartuum ayaa lulayay calamo, waxa ayna ku dhawaaqayeen “mar kale ha dhaco!”, iyaga oo soo cusbooneysiiyay hal ku dhigyadii ay ku dhawaaqayeen markii ay ka soo horjeedeen xukunka Cumar Al-Bashiir.

Madaxweyne Al-Bashiir ayaa waxaa aad u doondoonaya maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka (ICC), taasi oo ku eedeeysay inuu abaabulay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha oo ka dhacay gobolka galbeedka ku yaal ee Darfur.

Ma cadda sida uu noqon doono mustaqbalka Al-Bashiir maadaama uu haatan xabsi ku jiro.

Sidee buu inqilaabku ku billowday?

Aroornimadii hore ee shalay oo Khamiis ahayd ayaa gawaarida milatariga dalkaasi waxa ay galeen dhismaha weyn ee ku yaal magaalada Khartuum ee ay ku yaaliin wasaaradda gaashaandhigga, xarunta ciidamada milatariga iyo guriga madaxweyne Al-Bashiir.

Taleefishinka iyo idaacadda qaranka ayaa hakiyay barnaamijyadii caadiga ahaa ee ka bixi jiray, waxaana wasiirka gaashaandhigga Cawad Ibn Cowf uu ku dhawaaqay “in dowladdii la afgambiyay”. Waxa uu sheegay in madaxweyne Al-Bashir lagu hayo “meel ammaan ah” laakiin ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Ibn Cowf wuxuu sheegay in Suudaan ay dhibaato ka haysatay “maamul xumo, musuq-maasuq iyo caddaalad darro” wuxuuna ka raali galiyey shacabka “dilalka iyo rabshadihii dhacay”.

Wuxuu sheegay in milatarigu uu xukunka dalka sii haynayo muddo laba sano ah oo ku-meel-gaar ah, ka dibna ay dalka ka dhacayaan doorashooyin.

Wasiirka waxaa sidoo kale uu sheegay in waddanka la gelin doono saddex bilood oo xaalad deg deg ah.

Waxa uu intaasi ku daray in la laalay dastuurka dalka, xuduudahana la xiray illaa iyo amar dambe iyo in la xiray hawada dalka mudd 24 saacadood ah.

Sidee ayay dibadbaxayaashu uga jawaabeen arrintaasi?

Ururka xirfadleyaasha reer Suudan ee SPA ayaa sheegay in milatarigu uu ku dhawaaqay “inqilaab” sababaya mid la mid ah dhibaatadii horey u jirtay oo ah “wajiyadii iyo hay’adihii ay dadku ka soo horjeesadeen”.

Waxa uuna ugu baqay dadka in ay sii wadaan fadhiga ay fadhiyaan dibadda dhismaha xarunta milatariga oo ay soo billobeen maalintii Sabtida ahayd iyo in ay ku sugnaadaan waddooyinka magaalooyinka dalka oo dhan.

Ururkani ayaa markii hore sheegay in maamulka ku meel gaarka ahi aanan marnaba lagu soo darin dadkii ka midka ahaan jiray waxa uu ku tilmaamay “nidaamkii kaligii taliska ahaa”.

Sidee ayay dibadbaxyadu ku billowdeen?

Dibadbaxyada ayaa soo billowday bishii Diseembar, waxaana markii hore ay ka dhasheen sicir barar ku yimid maciishadda balse markiiba waxa ay isu badaleen kuwo ka dhan ah dowladda. Dadku waxay dalbanayeen in madaxweyne Al-Bashiir uu iscasilo.

Saraakiisha dawladda ayaa sheegay in 38 qof ay dhinteen tan iyo bishii Diseembar balse hay’adda xaquuqul insaanka ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in tiradu intaasi ka badan tahay.

Bishii Febraayo ee sanadkan, waxaa soo baxayay astaamo muujinaya in madaxweynuhu uu doonayo in uu xilka ka dego balse waxa uu markiiba ku dhawaaqay xaalad deg deg ah.

Waa maxay jawaabta caalamka?

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa codsaday in arrinta lagu dhameeyo “si degenaansho iyo xasilooni ku dheehan tahay” waxaana uu ku baaqay in shacabku ay helaan wixii ay dalbanayeen oo ah dimuquraadiyad. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Jimca ah ka arrinsan doono xaaladda ka jirta dalka Suudaan.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Britain Jeremy Hunt ayaa sheegay in labada sano ee ku meel gaarka ahi ee uu milatariga xukunka sii haynayo aysan xal u ahayn dhibaatada ka jirta dalkaasi Suudaan.

Maraykanku wuxuu ugu baaqay ciidamada milatariga ee Suudan in ay xukunka maamulka ku meel gaarka ahi ku wareejiyaan rayidka, waxa uuna intaasi ku daray in muddada laba-sano ah ay tahay mid aad u dheer.

Midowga Afrika ayaa cambaareeyay inqilaabkaasi milatari. Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa sheegay in inqilaabku uusan ahayn jawaabta saxda ah ee ku habboon caqabadaha hortaagan dalka iyo waxyaabaha shacabku hiigsanayo.

Ruushka oo laba jeer martigeliyay Cumar Al-Bashiir ayaa ku baaqay in xaaladda la dejiyo, wuxuuna sheegay in ay eegayaan xaaladda dalkaasi Suudaan.

Xoghayaha Guud ee hay’adda xaquuqul insaanka ee Amnesty International Kumi Naidoo ayaa sheegay in muddo dheer caddaaladdu lala sugayay Al-Bashiir.

“Cumar Al-Bashiir waxaa loo doon-doonayay xadgudubyadii ugu xumaa ee xuquuqda aadanaha ee dhaca xilliga haatan la joogo, waxa aanan u baahannahay inaan ugu dambeyntii aragno in la xisaabtamo” ayuu yiri Naidoo.

Waa kuma ninka Cumar Al Bashiir?

Bashir waxa uu dhashay sannadkii 1944, waxana uu ka dhashay qoys ka mid ah beeralayda waqooyiga Suudaan, oo markaas ka mid ahaa Boqortooyada Masaarida. Wuxuu xubin ka yahay Al-Bedairyya Al-Dahmashyya, oo ah qabiilka Bedouin.

Qabiilkan ayaa ah dad ree miyi, daggana dhul badan oo saxaaraha carabta ah.

Waxa uu ku biiray ciidankii Carbeed ee ka barbar dagaalamayay Masar oo dagaalka la gashay sannadkii 1973dii.

Inkastoo wax badan aanan laga ogeyn noolashiisa gaarka ah ayaa hadana waxa jirta in Cumar Al-Bashiir uusan dhalin wax caruur ah.

Markii ay da’diisu gaartay 50 jir ayuu guursaday xaaskii labaad oo ahayd haweenay Carmal ahayd oo uu qabi jiray Ibraahim Shams Al-din oo loo arko geesi dagaal yahan ah, waxaan guurkaasi uu ku dhiiri galinayay in la guursado dumarka garoobka ah ee ay geesiyaashu ka dhintaan.

Madaxwennaha Suudaan Cumar Al-Bashir ayaa waqtisgiisa ku dhamaysatay dagaal oo Suudan waxaa uu ku qabsaday afgembi militari sannadkii 1989-kii. Xukunkiisu wuxuu noqday ilaa sannadkii 2011 mid ka mid ah xukumada ugu adag Africa.

Tan iyo markii uu la wareegay awoodda dalka Suudaan, wuxuu ku jiray muddo 21 sanno ah dagaal, kaas oo u dhaxeeyay waqooyiga iyo koonfurta dalkaasi.

Inkasta oo ay dawladdiisu gashay heshiis lagu soo afjarayo dagaalkaas sannadkii 2015, mudo yar kadib, dagaal kale ayaa ka qarxay gobolka galbeedka ee Darfur, waxaana dagaalkaas lagu eedeeyey Madaxweyne Bashiir oo la sheegay in uu xasuuq u geystay dad shacab ah.

Maxkamadda dembiyada dagaalka ee ICC ayaa dacwad kusoo oogtay madaxweyne Al Bahsir, inkastoo aysan gacanta ku dhigin, hadana wuxuu guulo is xig xiga ka sameeyey doorashooyinkii sannadihii 2010 iyo 2015, wallow ay ka soo hor jeesteen xisbiyada waaweyn ee mucaaradka.

Amarka xirigga Al Bashir wuxuu sababay mamnuucida safaradiisa caalamiga ah, hasa yeeshee wuxuu safaro diblmaasi uu ku tegay wadamada Masar, Sacuudi Carabiya iyo Koonfur Afrika, inkastoo markii dambe lagu qasbay in uu si dagdag ah uga baxo Koonfur Afrika bishii Juun ee sannadkii 2015, kadib markii la sheegay in la tixgaliyo dhaqangalka amarka maxkamada ee xariga Al-Bashiir.

BBC