BBC: Madaxweyne ku xigeenka USA: Ilhaan meelna ugama bannaana guddiga arrimaha dibadda ee Kongreska

0
240

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike pence ayaa sheegay Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Congress-ka iney boos ku lahayn ka sii mid ahaanshaha guddiga joogtada ee arrimaha dibadda aqalka Congress-ka.

Warkan oo aan ka soo xigannay wargeyska Jerusalem Post ayaa sheegay inuu Mr Mike Pence uu hadalkaasi ka sheegay mar uu wareysi la yeeshay Telefishiinka Fox News.

“Mareykanka iyo Israa’il waxaa ka dhaxeeyo iskaashi soo jireen ah, marka cid kasta oo isku dayeyso iney carqaladeyso xiriirka soo jireenka ee labada dhinac ka dhaxeeya boos ugama bannaana inuu ka sii mid ahaado guddiga joogtada ee arrimaha dibadda ee Congres-ka.” ayuu yiri.

Ilhaan Cumar ayaa aad loogu cambaareeyay kaddib markii ay 10-ka Fabraayo barteeda Twitter-ka ku qortay ereyo loo arkay Yahuud-Nacayb.

Iyadoo ka jawaabeyso su’aal Twitter-ka lagu weydiiyay oo ahayd cidda maalgelisa siyaasiyiinta taageerta Israa’iil, ayay Ilhaan tiri “AIPAC”, oo ah urur u ololeeyo dalka Israa’iil oo ka dhisan Maraykanka.

Hadalkaasi ayaa gudaha Mareykanka iyo Yuhuuddaba ka abuuray dhaleeceyn weyn, taas oo xitaa ay si weyn uga hadleen warbaahinta Israa’iil.

Xisbiga Dimuqraadiga ayaa markiiba hindisay in arrintaasi go’aan laga soo saaro, balse warqado ay soo qoreen taageerayaasha Ilhaan ayaa sababay in xisbigu baddelo mawoqifkiisii, oo waxaa uu cambaareeyay wax kasta oo ku salaysan nacayb.

Trump ayaa arrintaasi u arkay fursad cusub, oo waxaa uu weerar ku qaaday Ilhaan, isagoo ka codsaday inay iska casisho guddiga awoodda badan ee arrimaha dibedda ee Congress-ka Maraykanka.

Maalin kaddib ayay Ilhaan sheegtay inay ka cudur-daaratay hadalkii ay tiri.

Gabadha ka tirsan xildhibaannada aqalka koongareeska Mareykanka ee xisbiga Dimuqraaddiga, Ilhaan Cumar ayaa jawaab kulul u dirtay madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence kadib markii uu dhaliilay hadal ay ka tiri xiisadaha Venezuela.

Ilhaan ayaa barteeda Twitter-ka kusoo qortay falcelinteeda ku aaddan Mr Pence waxayna ku cambaareysay inuu iyada u weeraray si shakhsi ahaan ah.

“Haweenka midabka horay way u maqleen arrintan. intii uu dhihi lahaa ‘fikirkaas waan kasoo horjeednaa’ wuxuu yidhi ‘Ma taqaanno waxa ay ka hadleyso. Waa inay na dareensiiyaan inaan tabaryar nahay. Nidaamka noocan ah wuxuu u maleynayaa in isbaddalka cimilada uu yahay ficil uu Shiinaha sameeyay”, sidaas ayey Twitter-ka kusoo qortay Ilhaan.

Ilhaan Cumar ayaa wajaheysa dhaleeceyn kadib markii cabasho ka muujisay habdhaqanka Mareykanka ee ku aaddan Venezuela.

Galinkii hore ee isla maalintaas, Pence ayaa Ilhaan ku eedeeyay inaysan waxba ka ogeyn “waxa ay ka hadleyso”, ka dib markii ay shaacisay hadallo u muuqday inay mas’uuliyadda xiisadaha Venezuela dusha ka saareyso maamulka Trump, maadaama sida ay sheegtay ay si qallafsan ula dhaqmeen waddankaas ayna cunaqabateyno saareen.

Mr Pence ayaa dhankiisa mas’uuliyadda dhibaatada dalkaas ku eedeeyay madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Ilhaan Cumar ayaa horay u sameyn jiray ciwaannada warbaahinta, iyagoo marar badan hawada isu mariyay hadallo kul kulul oo ay isku eedeynayaan.

Ilhaan ayaa sheegtay in dagaalka u dhaxeeya iyada iyo Mr Trump uu horseeday inay nafteeda khatar gasho, waxayna madaxweynaha ku dhaliishay inuu dhiirri galiyay dadka halista ku ah iyada.

Ilhaan Cumar oo ah xildhibaan ka tirsan Aqalka Wakiillada ee waddanka Mareykanka ayaa dhawaan sheegtay in ay haatan ka hor ka soo badbaaday qabqablayaasha iyo maleeshiyaadka Soomaaliya, haatanna ay ka gudbi doonto midda madaxweyne Trump.

Ilhaahan ayaa talaadadii la soo dhaafay hadalkan jeedisay mar ay la hadleysay dumar madow ah oo asal ahaan Afrikaan ah oo isugu soo baxay bannaanka hore ee dhismaha aqalka Koongareeska Mareykanka. Dumarkani ayaa halkaasi isugu yimid si ay taageero ugu muujinayaan Ilhaan Cumar oo in muddo ahba ay is-hayeen madaxweyne Donald Trump.

Ilhaan ayaa dhawaan hanjabaado dil ah la kulan tahay ka dib markii madaxweyne Trump uu bartiisa Tweeter-ka uu soo dhigay muuqaal Ilhaan la xiriirinayo weerarkii Al-Qaacidda ku qaaday Mareykanka 11-kii Sebteembar ee sanadkii 2001.

Ilhaah ayaa ka mid ah labada gabdhood ee Muslimiinta ah ee markii ugu horreysay ka mid noqday Aqalka Koongareeska dalkaasi Mareykanka. Dhawr jeer oo hore ayaa Ilhaan lagu eedeeyay in ay jeedisay hadallo lid ku ah dadka Yuhuudda ahi balse waa ay beenisay eedeymahaasi.

“Ma aha oo kaliya in aan ka badbaaday coalad. Haddii aan maleeshiyaadka ka badabaday waxaan hubaa in aan ka badbaadi karo dadkan,” ayay tiri Ilhaan Cumar.

“Balse sababtu waxaa weeye meel kastaa oo aan tagaba, waxaan hubaa in aan wada soconno dhammaantiin oo aan gacmaha is-haysanno.”

Ilhaan ayaa dhawaan BBC Somali u sheegtay in khilaafka kala dhaxeeya madaxweyne Trump uu salka ku hayo khilaafka Trump kala dhaxeeya Muslimiiinta, dadka soo galootiga ahi, haweenka iyo dadka madowga ah.

“Khilaafka aniga iyo madaxweynaha [Trump] wax cusub ma ahan, waxaan aaminsanahay in khilaaf weyn uu ka dhaxeeyay isaga iyo dadka Muslimiinta ah, khilaaf weyn uu ka dhaxeeyay isaga iyo dadka qaxootiga waddankan ku ah, khilaaf weyn uu ka dhaxeeyay isaga iyo dadka madowga ah, khilaaf weyn uu ka dhaxeeyay isaga iyo dadka dumarka ah.”

Ilhaan waxa ay sheegtay in iyada ay mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay dadkaasi oo waxa ay tiri “aniga waxaan ahay qof dadkaas oo dhan wadamatalo, marka aniga iyo asaga inaan isku dhacno waa wax mar hore soo bilowday.”

BBC