Madaxweyne Farmaajo “Dadaalkoodu waxa uu ku hirgalay waa qabyaaladda ay ka fogaayeen iyo sida ay u aaminsanaayeen midnimada

0
128

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ubax dhigay taallada SYL ee magaalada Muqdisho oo lagu maamuusayo dhallinyaradii 13-ka ahaa ee aasaasay ururkii gobannimo-doonka Soomaaliyeed ee SYL.

Madaxweynaha ayaa intaas kaddib waxa uu kala qayb galay boqollaal dhallinyaro ah oo ka kala yimid guud ahaan deegaannada dalka munaasabad lagu qabtay Taliska Gaadiidka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, taas oo ay ugu dabaal degayeen 76-aad guurada ka soo wareegtay aasaaska Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa madasha ka jeediyey kalmad uu ku dhiirri-gelinayo dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoona dib u xasuusiyey doorkii taariikhiga ahaa ee ay ku lahaayeen xornimo doonkii, qaran-dhiskii iyo horumarintii dalka.

“Dadaalkii ay bixiyeen dhallinyaradeennii SYL ayaa horseeday in dalkeennu uu safka hore ka galo dalalkii xornimada ka qaatay gumeystihii. Dadaalkoodu waxa uu ku hirgalay waa sida ay qabyaaladda uga fogaayeen, una aaminsanaayeen midnimada, waddaniyadda iyo wadajirka dadkeenna.”