Shirkii Wadatashiga oo lagu kala tagay iyo Madaxda qaarkood oo ka dhoofay Garawe

0
300

Waxaa fashil kusoo dhamaaday shirka wadatashiga Qaran ee madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo lixdii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday magaalada Garawe.

Shirka ayaa noqday mid ay isku mari waayeen madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, waxaana qodobada qaar ee shirka noqdeen kuwa aan lagu heshiin oo aragti duwanaasho weyn ka timid.

Magaalada Garawe oo maalmihii lasoo dhaafay mashquul aheyd ayna joogeen madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa hada u muuqata mid boorsooyinka laga xir xiranayo.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa goordhaw diyaarad ka raacay magaalada Garawe, waxa uuna aaday magaalada Kismaayo ay ka taagan tahay xiisad.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay in marar badan ka baxay shirarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Garawe, waxa uuna ku eedeeyay dowlada federaalka in carqaladeyn ku wado maamulkiisa iyo doorashada la filayo.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wafdigii la socday ayaa goordhaw ka dhoofay magaalada Garawe, waxa uuna Xaaf mar uu wariyaasha la hadlay sheegay in uu bur buray shirkii ka socday Garawe.

Dhinaca kale magaalada Garawe  waxaa gaaray diyaarado kale la filayo in halkaasi ka qaadaan qaar kamid ah Madaxdii shirka ka qeyb galeysay, waxaana la filayaa in madaxda dowlada iyo kuwa maamulada kale iyana kasoo tagaan Garawe

Shirkii ka socday magaalada Garawe ayaa noqday mid aysan kasoo bixin wax natiijo ah, waxaana shirka oo marar badan lagu kala kacay ugu dambeyn noqday mid fashil kusoo dhamaaday laguna kala tagay.

Allbanaadir