Soomaaliya oo loogu deeqay adduun lacageed oo gaaraya $710 Milyan oo dollar

0
335

Ayadoo Soomaaliya ay wajahayso xaalad abaar ah oo aad u daran ayaa hay’adaha samafalku waxay todobaadkii lasoo dhaafay ku dhawaaqeen Qorshaha Gurmadka Abaaraha waxayna hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabo dhaqaale aan soo daahin si looga baaqsado in xaaladda bini’aadamnimo ay kasii darto. Qorshuhu wuxuu dalbaday adduun lacageed oo gaaraya $710 milyan si caawinaad naf badbaadin ah loola gaaro 4.5 milyan oo Soomaali ah oo ay abaartu saameysay, muddada u dhaxeysa Maajo iyo Disembar ee sannadkan.

Xilli-roobaadkii Gu-ga (Abr-Jun) guud ahaan wadanka ugama di’in si wanaagsan, arrintan oo ka dhigan xilli-roobaadkii labaad ee aan wanaagsanayn ayada oo weliba Soomaaliya ay ku jirtay marxalad ay kasoo kabaneysay abaarihii 2016-17. Marka laga reebo Gu-gii 2018, xilli-roobaad walba wuxuu ahaa mid celcelis ahaan ka hooseeya intii la heli jiray ilaa 2015, roob yaridaas oo sababtay in dadku ay kasoo kaban waayaan dhibaatooyinkii gaaray. Roobka Gu-ga ee 2019 wuxuu noqday kii sadexaad ee ugu liitay taariikhda Soomaalida ilaa iyo horaantii sideetanaadkii, arrintan waxay saameyn aan wanaagsaneyn ku yeelatay dalagga beeraha iyo taranka xoolaha.

Tirada dadka ku sugan xaaladaha degdegga ah ee cuntayarida waxaa laga cabsi qabaa iney gaaraan 2.2 milyan bisha Luulyo. Tiradan waxay boqolkiiba 40 ka sarreysaa halkii ay joogtay bishii Janaayo ee sannadkan.

Nafaqadarrada, cudurro ka dhashay abaaraha iyo barakac ayaa cirka isku sii shareeraya.

“Xaaladda abaarta ee Soomaaliya waa mid kasii dareysa waxayna u muuqataa iney kasoo hormartay waqtiyadii la arki jiray marka dib loo eego tobankii sannadood ee lasoo dhaafay. Soomaaliya waxay ku sugantahay xaalad adag, haddii la helo dhaqaale ku filan waxaa dib loo howl gelin karaa farsamooyinkii looga hortegay macluushii 2017,” ayuu yiri George Conway, ku simaha Xiriiriyaha Arrimaha Bini’aadamnimada ee Soomaaliya.

“Annagoo dowladda Soomaaliyeed kala shaqeyneyna sidii loo dhisi lahaa adkeysiga dadka si loola tacaalo waxyaabaha sababa mashaqooyinkan soo laalaabtay, ayaa hadana waxaa loo baahan yahay in cid waliba, oo ay ku jiraan deeq bixiyeyaasha, ganacsatada, Soomaalida gudaha ku nool iyo qurbojoogtaba ay qayb ka qaataan dadaallada gargaarka,” ayuu raaciyay Saameynta abaaruhu waxay qatar gelinayaan guulihii la gaaray sannadkii 2018. In sara loo qaado howlaha gargaarka ayaa loo baahanyahay si loo yareeyo saameynta abaaraha, waxaa kale oo aan laga maarmin in gargaarka bini’aadam-nimada lagu kabo mashaariicda horumarinta ayadoo lagu shaqeynayo Hanaanka Kasoo-kabashada Nugeylka ee ay Dowladda Soomaaliya hogaamiso si Soomaalidu awood ugu yeelato iney duruufahan oo kale iska xajiso mustaqbalka.

Dhaqaalo yari ayaa xadideysa awoodda hay’adaha samafalka ee ka jawaabi lahaa baahiyaha jira. Howlo gargaar oo muhiim oo ay ka mid yihiin qaybaha biyaha, caafimaadka, nafaqada iyo caawinaadda dhanka cuntada ah ee ka socday dhulka ay abaaraha ku dhufteen qaarkiis ayaa hoos usii dhacaya.

Magaalooyinkana waxaa soo gelaya barakacayaal cusub. Qorshaha Kafalcelinta Baahiyaha Bini’aadamnimada-HRP- ee 2019, oo dalbaday adduun dhan $1.08 bilyan, ilaa hadda wuxuu heley boqolkiiba 20 kaliya ayadoo weliba baahiyuhu ay sii kordhayaan.

Allbsnaadir