Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii lagu weeraray xarunta Degmada Wardhiigley

0
161

Qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray xarunta degmada Wardhiigley, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan wararka ku heleyno qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari nuuciisa lagu sheegay NOAH oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, gaarigan ayaana la sheegay in uu xoog ku galay xarunta degmada Wardhiigley.

Qaraxa lagu weeraray xarunta degmada Wardhiigley ayaa ahaa mid jugtiisa si weyn looga maqlay magaalada Muqdisho, waxaana goobta qaraxu ka dhacay gaaray oo dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ka qaaday gaadiidka gurmadka dega dega.

Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxan lagu weeraray xarunta degmada Wardhiigley, waxaa sidoo kale qaraxan uu bur bur xoogan gaarsiiyay xarunta degmada.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in xiliga xarunta degmada Qaraxa lagu weeraray ay goobtaasi ku sugnaayeen dad masaakiin ah oo la sheegay in raashin macaawino ah loogu qeybinayay.

Qaraxan ayaa noqonaya kii ugu xooganaa ee dhaca bisha barakeesan ee Ramadaan, waxaana qaraxan uu imaanayaa xili amaanka magaalada Muqdisho aad loo adkeeyay lana dhigay magaalada ciidamo aad u badan.

Allbanadir