Wararkii ugu dambeeyay Shirka Garowe: Shirkii ugu waqtiga dheeraa oo xalay dhacay

0
243

Shirka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ayaa marxalad xasaasi ah maraya, iyadoo maalinkii shanaad uu galay shirka oo aan weli u kala kicin Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Sida wararku sheegayaan shirkii ugu dambeeyay ee Madaxda dhex mara ayaa xalay dhacay, waxaana uu ahaa kii ugu waqtiga dheeraa, marka loo eego kulamadii hore.

Wararka ayaa sheegaya in shirka la isla gaaray illaa 3-da habeenimo, xilligii ay ku dhoweyd salaadii Subax la kala tagay, iyadoo aan weli la ogeyn waxyaabaha la isla gaaray, balse ay jiraan caqabado laga gudbi la’yahay.

Ilo kala duwan ayaa inoo xaqiijiyay in labadii maalmood ee la soo dhaafay uu shirka ahaa kii ugu xasaasinaa uguna adkaa, waxaana hareeyay arrinta Galmudug iyo sida xal looga gaarayo khilaafka u dhaxeeya Madaxdooda.

Waxaa jira aragtiyo kala duwan oo ku aadanaa qaabka loo marayo xal u helida khilaafka, kaasoo la isku khilaafay, Madaxweynaha Galmudug ayaa ku adkeysanaya in muddo xileedka maamulkiisa uu ka soo bilaabanayo heshiiskii lagu mideeyay Ahlusuna iyo Galmudug, sidaas darteed qodobkaas aan laga laaban karin iyo go’aamadii lagu gaaray Dhuusamareeb

Sidoo kale Madaxda dowladda Federaalka ayaa u soo jeediyay Madaxweynaha Xaaf inuu sameeyo shir dib u heshiisiin ah, isla markaana Dhuusamareeb uu shir looga furo Baarlamaanka fadhiya Cadaado iyo Guddoomiye Cali Gacal Casir.

Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa is faham horudhac ah ka gaaray arrinta sharciga doorashada ee todobaad ka hor ansixiyeen Golaha Wasiirada, waxaa la isku afgartay in sharcigaas laga wada tashado, waxaa kaloo weli la isku hayaa sharciga Batroolka oo uu horyaalo Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana qodobkaas Maamul goboleedyada qudhooda yihiin kuwo ku kala qeybsan.

Shirka ka socda Garowe ayaa noqonaya kii ugu adkaa tan iyo markii uu bilowday shirarka u dhaxeeya Madaxda dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, waxaana shirkan uu kaga duwan yahay shirarkii hore in Madaxda aanay cidna ku wehlin wada hadalada ay yihiin kuwo albaabada u xiran, taasoo keentay in wax badan laga ogaan waayo.

Jowhar