Wasiir Goodax oo ka laabtay hadalkiisii ahaa inuu fashilmay Imtixaanka Puntland

0
316

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre oo goordhow soo saaray War Saxaafadeed ayaa sheegay inuu ka xun yahay hadal shalay uu ka jeediyay magaalada Jowhar, oo ahaa inuu fashilmay Imtixaanka maamulka Puntland.

Qoraalka waxa uu ku sheegay in la siiyay xog khaldan taasoo eheyd in madaxweynaha Puntland uu Garowe ka sheegay in la jabsaday Imtixaanka Puntland, sidaasna uu u sheegay ardeydii Jowhar ee uu khudbada u jeedinayay, isagoo aan iska hubin hadalka.

Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in hadalkan uu yimid daqiiqado kadib markii wadahadal dhinaca talefoonka ah uu dhex maray Madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, taasoo looga dalbaday in Goodax uu raalli gelin ka bixiyo hadalkii ka soo yeeray.

In kabadan 15-Kun oo ardey ayaa Sabtidii shalay u fariisatay imtixaanka Fasalada ugu danbeeyay ee dugsiyada Dhexe iyo sare ee maamulka Puntland, waxaana baraha bulshada uu buuq ka dhex dhaliyay hadalkii shalay ee Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre.

Jowhar