R/W Kheyre oo dadaallo ka wada Galmudug

0
187

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ku sugan magaalada Dhusamareeb ayaa xalay kulan la qaatay madaxda ururka Ahlu-Sunna Wal Jamaaca iyo xubno kale.

Kheyre ayaa sheegay in muhiim tahay sidii loo heli lahaa Galmudug oo wada jirta loona xalin lahaa wax walba oo hadda jira.

Hadalka Kheyre ayaa imanaya xilli madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo shalay soo gaaray magaalada Cadaado uu sheegay inuu buray heshiiskii Galmudug iyo ururka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca

Khayre ayaa dhinaca kale Xildhibaanada laga dooray deegaanada Galmudug ka dalbaday inay qayb ka noqdaan xalka Galmudug.

Hoos ka dhageyso codka ra’iisul wasaare Kheyre.

VOA