Sadex Nin oo lagu helay in ay ku lug lahaayeen Weerarkii Jaamacada Gaarisa

0
145

Maxkamad kutaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa dambi ku heshay sadex nin oo loo heestay in ay ku lug lahaayeen weerrakii Al Shabaab ku qaadeen Jaamacada magaalada Gaarisa sanadkii 2015-kii.

Maxkamada ayaa la horgeeyay dacwadaha afar nin oo lagu soo eedeeyay in Al Shabaab ka taageereen fulinta weerarka lagu qaaday Jaamacada Gaarisa, waxaana Maxkamada dambi ku heshay sadex kamid ah afartaasi eedeesane .

Francis Andayi oo ah madaxa garsoorka ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in dambi lagu helay Mohamed Abdi Abikar, Hassan Aden Hassan iyo Rashid Charles Mberesero, waxa uuna xusay Garsooraha in ragan xukun lagu ridi doono 3-da bisha soo socota ee July.

Maxkamada ayaa dambi ku weysay Sahal Hussein oo kamid ahaa dadka loo heestay in uu ku lug lahaa weerarkii Al Shabaab dadka badan ku dileen ee lagu qaaday Jaamacada magaalada  Gaarisa.

Afar nin oo hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa 2-dii bisha April ee sanadkii 2015 weerar ku qaaday dhismaha Jaamacada Gaarisa, waxaana weerarkaasi  lagu dilay dad gaaraya 148-qof oo u badnaa arday jaamacada wax ka baraneysay.

Allbanaadir