Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland oo maleeshiyaadka Alshabaab kala wareegay deegaanno horleh

0
213

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta dowlad Goboleedka  Jubbaland ayaa la wareegay deegaanno ka tirsan Gobolka Jubadda Hoose, kuwaas oo ay dadka shacabka ah ay ku dhibaateyn jireen maleeshiyaadka argagixisada Alshabaab.

Afhayeenka Wasaaradda amniga dowlad Goboleedka Jubbaland C\nuur Ibraahim Xuseen oo u waramay Radio Muqdisho, ayaa sheegay in ay argagixisada Alshabaab ka saareen deegaanka Beer-xaani iyo tuullooyin kale oo qiyaas ahaan 90km galbeedka ka xiga magaalada Kismaayo ee Xarunta Kumeel gaarka maamulka Jubbaland.

Maleeshiyaadka Alshabaab ayeey soo wajahday cabsi xooggan oo uga imaaneysa Ciidamada Qalabka sida kadib markii ay culeysyo iyo dagaallo xooggan kala kulmeen, waxaana argagixisada firxadkoodu uu gaaray degmada Jillib ee Gobolka Jubadda dhexe, iyadoo Ciidamadu ay sii baacsanayaan haraadiga argagixisada Alshabaab.