Itoobiya ma dib bay u socotaa?

0
211

Sannad uun ka hor, waxaa jirta rajo weyn oo ay qabeen dadka reer Itoobiya – Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed ayaa xukunka qabtay waxa uuna markiiba sameeyey isbaddallo waaweyn kuwaas oo wax wayn ka baddalay siyaasadda dalkaas.

Balse dhowr bilood kaddib, waxaa dib u bilowday qalalaaso iyo xiisado u dhexeeya qawmiyadaha kuwaas caqabad ku ah isbaddaladii dalkaas ka dhacay.

Marka, maxaa khaldamay?

Cadaadis cirka isku shareeray

Dibadbaxyada ayaa sannadkii 2015-kii ka bilowday gobolka dalkaas ugu wayn ee Oromia – oo ay dagaan shacabka Oromadu kuwaas oo sanooyin badan ka cabanayey in dawladihii dalkaas soo maray ay gacan bidixeeyeen, dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba.

Bishii October ee sannadkii 2017, dibadbaxyadu waxay ku baaheen saddex gobol oo kale oo dalkaas ka mid ah. waxayna Itoobiya gashay xaalad daganaansho la’aan ah oo aan horay loo arag, Waxaana guuldarro ku dhammaaday labo xaaladoodoo deg deg ahaa oo dalkaas lagu soo rogay.

Bishii February ee sannadkii 2018, ayaa waxaa si lama filaan ah isu casilay Ra’iisal Wasaarihii dalkaas Hailemariam Desalegn, kaddib afar sano oo dalkaasi ay ka dhacayeen dibadbaxyo rabshado wata.

Dalkaa ayaana qarka u fuulay in uu burburo.

Balse isbahaysiga talada dalkaas haya ee EPRDF, ayaa kulan deg deg ah oo ay yeesheen 2-dii April waxay Abiy Axmed u doorteen in uu noqdo hoggaamiyaha cusub ee dalkaas.

Isbaddal

Abiy, oo ah nin rug caddaa ah oo ciidan ah waxna ku soo bartay dalalka UK iyo Maraykanka ayaa talada dalkaas qabtay asagoo ku baaqay wadajir iyo wax wada qabsi.

Dhowr maalmood gudahood ayaa xabsiga laga sii daayey kumanaan maxaabiis ah oo ay ka mid ahaayeen hoggaamiyaal mucaarad ah, waxa uuna dalka kusoo dhaweeyey kooxihii hubaysnaa kuwaas oo dalka laga mamnuucay asagoo sidoo kale kor u qaaday xorriyadda saxaafadda.

9-kii July, ayuu heshiis nabadeed la saxiixday dalka ay dariska yihiin ee Eretria- waxa uuna soo afjaray muranka dhanka xuduudda ee u dhexeeyey labada dal ee socday 20-ka sano kumanaanka qofna ay ku naf waayeen.

Muddoo labaatan sano ah ayaa markii ugu horraysay waxaa dadka loo oggolaaday in ay labada dal u kala safraan. Ganacsiga ayaa albaabada loo furay waxaana dib u midoobay qoysaskii kala abaaday.

Waxaa dalka Itoobiya ka dhaqan galay isbaddalo la taaban karo oo ay dadku ku diirsadeen – heer dadka qaar ay rasuul ku tilmaameen Abiy Axmed.

Iskuday dil

Balse markiiba dhibaato ayaa bilaabatay

Ra’iisal wasaraha ayaa ka badbaaday weerar bambo gacmeed ah oo lala beegsaday – waxayna ku qaraxday meel dhowr mitir uun u jirta halkii uu kula hadlayey dadweyne isu soo baxay.

Dhowr bilood kadiib, bishii October dhexdeedii, ayaa tabonaan askar ah oo hubaysani waxay socod ku tageen aqalka madaxtooyada ayagoo dalbanayey in mushaarka loo kordhiyo.

Abiy Axmed ayaa xakameeyey xaaladda oo jimicsi la sameeyey askartaan asagoo markii dambana sawirro la galay.

Maalmo kaddib, ayaa Abiy waxa uu ku dhawaaqay in askartaasi ay doonayeen in ay asaga dilaan. waxayna ahayd calaamad muujin karaysan waxyaabaha soo socda.

Kala qaybsanaan

Isbaddaladiisa xawliga ku socda ee uu ka sameeyey gudaha dalka Itoobiya ayaa waxaa ka carooday qaar ka tirsan xisbiga talada haya, oo ka kooban afar xisbi qawmiyadeed.

Mucaaradka ugu xoogga badan ayaa uga yimid dhanka gobolka Tigreega ee Waqooyiga Itoobiya. Xisbiga talada gobolkaas ee TPLF) -ayaa tobonaan sano gacanta ku hayey militariga, laamaha ammaanka iyo dhaqaalaha dalkaas.

Tigreega ayaa xuduud la leh Eritrea, siyaasiyiinta iyo dadka deegaankaas ayaana si adag uga soo horjeeday heshiiska nabadeed – ayagoo Ra’iisal wasaaraha ku eedeeyey in uu dhulkooda bixinayo.

Gobolkaas oo dadkiisu ay dhan yihiin 6% guud ahaan dalka Itoobiya, ayaa siyaasiyiintiisu waxa ay aad uga cadhoodeen dhowr sarkaal oo sar sare oo ka tirsan militariga iyo sirdoonka oo lagu eedeeyey musuqmaasuq iyo gaboodfallo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Si kastaba ha ahaatee, caqabadda ugu weyn ayaa ah, ku dhawaad saddex milyan oo qof oo sannad gudihiis ku barakacay gudaha dalka Itoobiya. Dadkaas intooda badan ayaa ka cararay guryahooda kaddib markii ay soo cusboonaadeen isku dhacyo qawmiyadeed oo ka dhashay khilaaf dhanka xudduudaha iyo dhul daaqsimeedka ah.

Khatarta baraha bulshada

Kaddib markii la oggolaaday xorriyadda hadalka, ayaa waxaa baraha bulshada ka bilowday aflagaaddo iyo in siyaasiyiintu ay ciyaar ka dhigtaan soohdimaha u dhexeeya gobollada federaalka ee Itoobiya.

Weerarada aargoosiga ah ee u dhexeeyey bulshooyinka ayaa noqday tusbax furtay. Kumanaan buntukh iyo hub kale ayaa booliisku soo qabteen sannadkii hore – arrintan ayaa ah caalamad muujinaysa in qawmiyaduhu ay goor kasta hubka qaadan karaan.

Dilalkii dhawaan dhacay ee lagu laayey guddoomiyihii gobolka Amxaarada, taliyihii ciidamada iyo saddex sarkaal oo kale, ayaa kiciyey xiisad qawmiyadeed.

Xukuumadda ayaana xirtay khadka internet-ka, arrintaas oo looga golleeyahay in aanay faafin wararka xanafta leh si aanay xaaladda uga sii daran.

Xiisadda qawmiyadaha ka dhex taagan iyo barakaca ayaa xukuumadda ku kallifay in ay joojiso qorsheheedii ku aaddanaa in la qabto tirakoob qaran sannadkaan gudihiisa. waana markii saddexaad oo dib loo dhigayo tirakoobka sababo dhanka ammaanka ah awgood.

Doorashooyinka

Doorashooyinka ugu horreeya ee la qabanayo inta uu xukunka hayey Abiyey Ahmed ayaa dhacaya bisha May ee sannadka dambe, balse dalka ayaa si weyn ugu kala qaybsan in doorashooyinka ay ku dhici karaan xaaladda uu maanta dalku ku jiro.

Dadka wax falanqeeya ayaa qaba in mustaqbalka dalkaasi uu ku xiran yahay sida uu Abiy Axmed ula dhaqmo qolyaha lagu tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen qalalaasihii ugu dambeeyey.

Waxaa jirta khatar laga cabsi qabo oo ah in dib loogu noqdo maalmihii dad badan xabsiga lagu guri jiray.

Jihada ay aadayso Itoobiya waxa ay saamayn ku yeelan doontaa malaayiin qof oo dalal badan ku nool.

BBC Somali