Olole loogu doodayo gabadh Soomaali ah oo la sheegay in si cunsurinimo ah loo dilay

0
341

Bulshada ku nool Bury, Lancashire iyo dhamaan gudaha Ingiriiska ayaa dalbanaya in xildhibaan James Frith iyo guddiga waxbarashada ee Bury, Lancashire ay baaran guddiga maamulka iskuulka Oak oo lagu eedaynayo inay ka soo bixi waayeen masuuliyadda ka saarnayd ardayda iyo inay ka hadli waayeen dhacdadaan oo la aaminsanyahay inay ka dambeeyeen kuwa dhibaatayna qayba ka mid ah ardayda.

Codsigaan ayaa imaanaya kaddib markii gabadh Soomaali ah oo 12 sano jira ah laguna magacaabo Shukri Yahya Abdi ay webi ku yaala magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska ku geeriyootay. Qoyska Shukri ayaa dalka Ingiriiska u tagay inay helaan nolol wanaagsan iyaga oo ahaa qaxooti ka soo jeeda Soomaaliya.

Waxaa jira dad badan oo aaminsan falkan inuu la xiriiro “cunsurimo”, iyaga oo dareenkooda ku muujinayay fariimo ay ku shaaciyeen baraha bulshada.

Booliska Manchester ayaa sheegay in dhacdadaan ay tahay “mid argagax leh” aysanna jirin wax hadda la tuhunsanyahay.

Qoyska Shukri oo ku nool Bury ayaa sheegay in Shukri aysan aqoonin sida loo dabaasho, webiga agagaarkiisana aysan ku ciyaari jirin”.

Adeerkeed oo lagu magacaabo Mustaf Cumar ayaa sheegay, “waxay ahayd gabadh wanaagsan, qof aan waxbo galabsan. Hooyadeed aad ayey u murugaysantahay.”

“Ma taqaanno sida loo dabaasho marka ma aadayso agagaarka webiga.”

“Shukri, waxay ka timid Soomaaliya, waxay ugu weynayd qoys ka kooban shan carruur ah, dalkana wey ku cusbayd,” Ayuu yiri Mustafa Cumar.

Khatarta webiga

Booliska ayaa ka digay khatarta webigan, ka dib markii ay gabadhan ardayada ah ay ku geeriyootay.

Waaxda badqabka qaranka ayaa sheegtay in webiyada ay ka mid yihiin meelaha halista ah oo sababa geerida dad badan.

Sanadkii 2018-kii 263 qof ayaa naftooda ku waayay shilal dhanka webiyada ah.

“Haddii aad aragtid in naftaada ay helis ku jirto, ku dadaal inaad maaraysid neeftaada, aadna dabaalatid,” Ayuu yiri David Walker.

BBC