Qarax ka dhacay magaalada Kismayo

0
259

Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamul goboleedka Jubbaland laga soo sheegayaa in goor dhawayd uu qarax xooggan ka dhacay hoteel Cascaseey, waxaanu wararaka tibaaxayaan in weli dhawaqa rasaasta laga maqlayaa gudaha hoteelka.

Ilaa haatan lama xaqiijin karo tirada dadka ku dhintay amaba ku dhaawacmay qaraxaasi balse waxaa mas’uuliyadda weerarka sheegtay ururka Alshabaab.

Magaalada kismaayo ayaa waxay ka mid tahay maagaalooyinka ugu amniga wanaagsan Soomaaliya waxaana aad ugu yaraa qaraxyada marka loo bar-bardhigo magaalada Muqdisho.

BBC