Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sii jeeda Gaalkacyo

0
139

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa maanta la filayaa inay gaaraan magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, iyadoo socdaalkan uu qeyb ka yahay safarka Ra’iisul Wasaaruhu ku joogo deegaanada Galmudug.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha oo ah mid dhulka ah ayaa waxaa saaka ay ka ambabaxeen magaalada Dhuusamareeb, waxaana ay sii mareen Cadaado oo ay uga gudbayaan Gaalkacyo.

Ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ay gaareen wafdi horudhac u ah Ra’iisul Wasaaraha, waxaa la filayaa in Ra’iisul Wasaaruhu uu caawa ku hoydo Koofurta Gaalkacyo oo ah qeybta ay maamusho Galmudug.

Labadii todobaad ee la soo dhaafay Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ku sugnaa Gobolka Galgaduud, halkaasoo uu ka waday dadaalo lagu xalinayay khilaafka siyaasadeed ee ka jiray Galmudug iyo sidii loo dhisi lahaa Maamul lagu mideysan yahay, waxaana inta badan uu ku guuleystay Ra’iisul Wasaaruhu dadaaladii uu waday.

Jowhar