Wasiir Beyle oo la kulmay Guddiga deyn cafinta Soomaaliya

0
166

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Dr; C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobaadlaha ah ee kooxda la socodka deyn cafinta Soomaaliya SMP.

Mudane; Beyle iyo Guddiga ayaa waxay kulankooda kaga wada hadleen halka ay wax marayaan.

Sidoo kale, waxay guddiga iyo wasiirku ka doodeen fulinta iyo dhameystirka shuruudaha ka dhiman cafinta deymaha lagu leeyay Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dedaallo xooggan ugu jirta sidii deymaha lagu leeyay loogu cafin lahaa, iyadoo kasoo baxday shuruudo badan oo ku hor gudbanaa deyn cafinta.