Al-Shabaab oo weerar ku bilowday qarax ku qaaday degmada Awdheegle

0
256

War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray Saldhig Ciidamada xoogga dalka ku leeyihiin degmada Awdheegle, halkaasoo todobaadkii hore ay la wareegeen.

Sida wararku sheegayaan qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa daba socda rasaas culus oo aan kala go’laheyn, sida dadka deegaanka ay soo warinayaan.

Ciidamada xooggan dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ee DANAB ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyagoo la wareegay deegaano dhowr ah sida Bariire, Sabiid iyo Awdheegle.

Lama oga sida wax u socdaan, waxaana aad u adag in la helo warar rasmi ah oo ku saabsan qaraxa ka dhacay Awdheegle iyo rasaasta culus ee ka scoda.

Inta badan weerarada Al-Shabaab ku qaadaan saldhigyada ciidan waxaa lagu bilaabaa gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyo oo qof uu kaxeeyo, iskuna qarxiyo afaafka hore xarunta, kaddibna ay xigaan weerar dhulka ah.

La soco wixii warar ee ku soo kordha

Jowhar