Dagaal culus oo saaka ka dhacay deegaanka Daynuunay ee duleedka Baydhabo

0
119

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo saaka ka dhacay deegaanka Daynuunaay oo qiyaastii 30KM u jira magaalada Baydhabo, halkaasoo saldhig ay ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya.

Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa yimid, kaddib markii Al-Shabaab ay weerar dhowr jiho ku qaaday deegaankaas, iyadoo labada dhinac uu dhex maray dagaal muddo socday oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay muddo kooban la wareegeen deegaanka, halka warar kalena ay sheegayaan in dib looga saaray deegaanka.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weeraray saldhiga ciidamada ku leeyihiin deegaanka Daynuunay, waxaana deegaankan muddooyinkii u dambeeyay uu marti u ahaa weerarada Al-Shabaab ku qaadayeen.

Deegaanka Daynuunaay ayaa ah deegaan muhiim u ah ammaanka magaalada Baydhabo, halkaasoo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamada xoogga dalka.

Jowhar