Gen. Stephen Townsend oo Booqasho kedis ah ku yimid Muqdisho

0
199

Taliyaha cusub ee Taliska Militariga Maraykanka ee Qaarada Afrika (AFRICOM) Gen. Stephen Townsend ayaa Arbacadii shalay markii ugu horeysay booqasho kadis ah ku yimid wadanka Soomaaliya.

Gen.Stephen Townsend ayaa dhamaadkii bishii lasoo dhaafay ee July loo magacaabay Taliyaha cusub ee AFRICOM, waxayna booqashadiisan ahayd midii ugu horeysay oo uu ku eegayo hawlgalada Maraykanka ka wado Soomaaliya.

Taliyaha ayaa intuu ku sugnaa dalka kulamo la qaatay Raysalwasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Safiirka Maraykanka Donald Yamamoto iyo Taliska Militariga Soomaaliya.

Gen.Townsend ayaa sheegay in Militariga Maraykanka doonayo inuu sii xoojiyo taageerada iyo iskaashiga ay laleeyihiin militariga Soomaaliya, isagoo sheegay in ahmiyada ay tahay in sare loo sii qaado cadaadiska lagu hayo kooxda Al shabaab.

“…Burburinta Awooda Al Shabaab iyo xoreynta Dhulka ay weli heystaan waa mid ahmiyada koowaad leh, waxay tani muhiim u tahay amniga gobalka, dalka Soomaaliya iyo waliba Caalamka, waxaana naga go’an inaan sare u qaadno weerarka aan ku heyno Al Shabaab taasi oo fursad u siineysa dalka Soomaaliya inuu gaaro horumar dhanka Siyaasada iyo Dhaqaalaha ah….” ayuu yiri Taliyaha cusub oo intaasi kusii daray “….Xasiloonida Soomaaliya waxay sidoo kale dan ugu jirtaa Maraykanka iyo Caalamka….”

7Wuxuu Taliyaha kormeeray xarumaha ay ku sugan yihiin Saraakiisha Maraykanka ka jooga koonfurta Soomaaliya isagoo bilado gudoonsiiyey qaar kamid ah tababarayaasha Maraykanka ee gacanta siinaya ciidamada Komandooska Dowlada Federaalka Soomaaliya (DANAB).

Maraykanka ayaa sanadkan laba jibaaray duqeynta uu ka wado dalka Soomaaliya oo uu sanadkan 2019 ka fuliyey 47 weerar dhanka cirka ah oo inta badan la beegsaday kooxaha Al shabaab iyo Daacishta ku sugan qeybo kamid ah buuraleyda gobalka Bari ee Puntland State.

Allbanaadir