Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo dib u furaya Isbitaalka degmada Aw-dheegle

0
181

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax oo la hadlayay Shacabka ku nool deegaannadi dhawaan laga xureeyay maleeshiyada Al-shabaab ayaa sheegay in maamulku uu deegaannadaas gaarsiin doonno adeegyada bulshada.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in degmada Aw-dheegle iyo deegaannada ku hareereysan oo Ciidamada Qalabka sida ay argagaxisada ka saareen ay geyn doonaan Raashinka nuucyadiisa kala duwan, isagoo sheegay in mashaariic horumarineed ay ka fulin doonaan deegaannadaas.

Guddoomiye Najax ayaa xusay in dib ay u furi doonaan Isbitaalka degmada Aw-dheeegle iyo Iskuuladii muhiimka u ahaa horumarinta Waxbarashada degmada iyo tuulooyinka hoos yimaada.

Ciidamada geesiyaasha Qaranka ayaa dhawaan ka saaray deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose maleeshiyada arxanka daran ee Al-shabaab , waxaana hadda socda howlgallo lagu baacsanayo.