Qaabkee ayay u dhacday doorashada guddoonka baarlamaanka Jubbaland?

0
185

Waxaa hadda soo gabagabowday doorashada guddoonka ee baarlamaanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland waxaa loo doortay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo codadkii la tiriyey helay 55.

Cabdiraxmaan waxaa doorashada kula tartamay Xuseen shiinow oo isna codadkii la tiriyey ka helay ilaa 18 cod.

Waxaa xusid mudan in Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan uu ahaa guddoomiyihii baarlamaankii 2-aad ee Jubbaland, oo mar kale ayuu soo noqday.

Waxaa sidoo kale la doortay labada gudoomiye ku xigeen ee baarlamaanka labaad ee Jubbaland waxaana gudoomiye ku xigeenka 1-aad loo doortay Xildhibaan Aadan Khaliif, waxaana loogu codeeyay gacan taag 72 cod ayuuna hela.

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Jubbaland waxaa loo doortay Cabdi Baaleey Xuseen wuxuuna helay 73 cod, waa loo tanaasulay, oo cidna lama tartamin.

Doorashada waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaanno ka socday labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah, waxaana nabad-gelyada qeyb ka sugayey AMISOM.

BBC