Xujey ku sugan Makka oo sheegay inaysan weli xajin

0
203

Xujey ku sugan magaalada Makka ayaa sheegay inaysan weli gudanin waajibaadka xajka iyaga oo eedo u jeediyey shirkadaha loo idmay inay xujayda u adeegaan.

Xujeydan oo la hadlay VOA ayaa sheegay in shirkadihii keenay ay meel cidlo ah isaga tuureen, islamarkaana ay garan waayeen sida loo guto waajibaadka xajka.

Waxa ay sidoo kale sheegeen inaysan helin meel degaan ah oo ay seexdaan.

Cabashada xujayda ayaa waxaa ka jawaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha diinta iyo awqaafta Cusmaan Aadan Dhuubow oo isna ku sugan Xajka.

Hoos ka dhageyso wareysiyo ku saabsan cabashada dadkan iyo jawaabta wasiirka oo uu qaaday Maxamed Cabdi Sandheere.

VOA