Kheyre: Ahlu Sunna iyo dowladda federaalka kama wada tirsanaan kartiin

0
157

Ra’iisul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo tababar usoo xirayay ciidammo horey uga tirsanaa ururka Ahlu Sunna ayaa sheegay in dowladda waajib uu ka saaran yahay xaqiijinta xuquuqda ciidammada iyo waxkasta ay u baahan yihiin.

Xasan Kheyre waxaa uu kula dardaarmay ciidammada in hadda ay si rasmi ah ugu biireen dowladda isla markaasna la xoojiyay qarameyntooda.

“Idinka waxaad kasoo wareegteen urur soomaaliyeed oo Ahlu Sunna ah oo dalkan kasoo shaqeeyay oo amniga kasoo shaqeeyay oo maamul soo ahaa laakin hadda waxaad usoo wareegteen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Kheyre oo la hadlayay ciidammada.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in hadda wixii ka dambeeyo ciidammadan ay mas’uuliyad ka saaran tahay gudashada shaqooyinka loo igmaday.

” Laga bilaabo saacaddan waxaa idiin lagula xisaabtamaya waajibkaada la i diin ku leeyahay meeshii aad ka tirsanaan jirteen iyo dowladda Federaalka kama wada tirsanaan kartiin, mana aqbalayo” ayuu yiri Kheyre.

Ururka Ahlusunna ayaa bishii Juun ee sannadkan heshiis la gashay dowladda dhexe ee Soomaaliya halkaasina lagu soo afjaray khilaaf ka dhexeeyay, waxay dowladda ku wareejiyeen ciidamo si loo qarameeyo.

BBC