Qarax Goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

0
224

Waxaa goordhaw qarax loo maleenayo in uu yahay nuuca gaadiidka hoosta looga xiro uu ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Dekadda Weyn .

Sida aan wararka ku helnay gaariga qarxay oo nuuciisi ahaa Surf ayaa waxaa watay sargaal katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya, waxaana sargaalka la sheegay in qaraxaasi uu dhaawac kasoo gaaray.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidanka goobtaasi ka qaadeen dhaawaca sargaalka iyo askari la sheegay in isna ilaalo u ahaa sargaalka dhaawacmay.

Booliiska ayaa sidoo kale wada baaritaano ku aadan qaraxan goordhaw haleelay gaariga sargaalka booliiska, mana jiro wali wax war ah booliiska kasoo saareen qaraxan goordhaw dhacay.

Qaraxyada gaadiidka hoosta looga xiro ayaa inta badan dhimasho ama dhaawac culus waxa ay kasoo gaaraan dadka wada gaadiidka lagu xiro qaraxyadaasi oo mudooyinkii dambe kusoo badanayay Muqdisho.

Allbanaadir