Qarax xoog badan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

0
412

Waxaa goordhaw qarax aad u xoogan oo jugtiisa looga maqlay inta badan magaalada Muqdisho uu ka dhacay agagaarka Isgooska Kuliyadda Jaalle Siyaad.

Qaraxa ayaana lasoo sheegayaa in uu yahay mid lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo halkaasi marayay, waxaana wararka qaar sheegayaan in lala eegtay  gaadiidka Ciidamo Talyaan ah oo wadada marayay .

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan xoogan ee goordhaw dhacay, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya oo aagaasi xiray.

Allbanaadir