Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay duleedka magaalada Marka

0
126

Faah faahin ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo ka dhacay duleedka magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo dhex maray Ciidamada Milateriga ee ka tirsan Guutada 14 October iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii Ciidamada Milateriga ay howlgallo ka wadeen duleedka magaalada, ayna saldhig ka sameysteen dhanka wadada aada Jilib Marka.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen Ciidamada, waxaana labada dhinac dhex maray dagaal muddo socday.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in dagaalka looga dilay Al-Shabaab 10 dagaalame, halka tiro kale laga qabtay.

Ciidamada Milateriga ee ka tirsan Guutada 14 October ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada magaalada Marka iyo hareeraheeda, iyagoo xaqiijinaya amniga guud ee magaalada oo uu tagi doono Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Jowhar