Xildhibaan Maqaney;”Jowhar waxa ay qarka u saaran tahay inay weyso caasimada Hirshabelle.”

0
224

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Maamul Goboleedka Hirshabelle Xildhibaan Sh.Abuukar Xasan Cali Maqaney ayaa dhaliilay in Maamulka Sare ee Hirshabelle ay dhammaan ka soo jeedaan gobolka Hiiraan isagoo digay in ay Jowhar weyso caasimida Hirshabelle .

Xildhibaan Abuukar Xasan Cali oo hore isugu soo sharaxay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle ayaa hadal uu ka jeediyay magaalada Jowhar waxa uu ku dhaliilay xildhibaanada Hirshabelle inay diidan yihiin inay ku shaqeeyaan xarunta Maamula Goboleedka Hirshabelle.

“Labada kursi ee ugu sareysay Hirshabelle iyo Saddexdii ku xigeen labo kamid ah waxaa ay gacanta u galeen dad ka soo jeeda gobolka Hiiraan,”ayuu yiri Xildhibaan Maqaney.

Xildhibaan Maqaney ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in aysan horumar gaari karin caasimada Hirshabelle iyadoo aysan wax shaqo ah ka socon xildhibaanadana ay magaalada Muqdisho ay iskaga dalxiisaan.

“Saddexdii sano ee ugu dambeysay wax horumar ah kama jirin magaalada Jowhar oo wax uga soo kordhay malahan Hirshabelle.
ayuu yiri Xildhibaan Maqaney oo ka soo jeeda gobolka Sh/dhexe,horena uga soo qabtay xilal kala duwan gobolka kahor inta aan la dhisin maamul goboleedka Hirshabelle.

Ugu dambeyn waxa uu xildhibaanku ugu baaqay oday dhaqameedyada ka soo jeeda gobolka Sh/dhexe inaysan mardambe ilduufin oo ay ka fekeraan qaabka loo qeysanayo awooda dowlad goboleedka Hirshabelle.

Halkan hoose ka daawo Xildhibaan Abuukar Xasan Cali oo ka hadlaya arrimaha siyaasada Hirshabelle.

Jowhar