Askar ku dhimatay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

0
149

Afar ka tirsan ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa ku dhimatay, saddex kalana way ku dhaawacmeen kadib miino kula qaraxday duleedka Muqdisho.

Qaraxan ayaa dhacay goor dambe oo xalay ah, waxaana uu qabsaday kolonyo ay saarnaayeen ciidamada dawladda ee loo yaqaan Haramcad, meel u dhow masaajidka Al-Birri ee degaanka Siinka Dheer.

Degaanka uu qaraxu ka dhacay ayaa hadda ka hor ay ka dhaceen qaraxyo xiriir ah oo lala beegsado ciidamada amniga, waxaana qarxyadan sheegta mas’uuliyaddooda ururka Al-Shabaqb.

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii lix ka tirsan ciidamada Danab ay ku dhinteen degaanka Ceelasha Biyaha kadib markii lala beegsaday laba qarax xilli ay magaalada ka baxayeen.

Al-Shabaqb ayaa sannadahan dambe si weyn u adeegsada waxyaabaha qarxa ee lagu aaso waddada dhinaceeda, kuwaasi oo halis ku ah ciidamada dawladda Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo dadka rayidka ahba.

VOA