Dr Abiy Axmed ma ku guuleysan doonaa abaalmarinta nabadda ee Nobel?

0
102

Majalada Time ayaa sheegay shaqsiyaadka la filayo iney ku guuleystaan abaalmarinta nabadda ee Nobel oo sanadkan 2019-ka lagu qabanayo caasimadda Norway ee Oslo ayaa loo badinayaa inuu ka mid noqdo Ra’isalwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed.

Wargeyska ayaa u sababeeyey inuu Dr Abiy uu ku guuleysan karo abaalmarintaasi inta uu talada dalka Itoobiya qabtay sida uu muddo gaaban uu ugu soo afjaray colaaddi 20 sano ku dhawaad ka dhex taagneyd Itoobiya iyo Eritrea, maxaabiista siyaasadeed ee faraha badan oo uu xabsiyada ka si daayey iyo guud ahaan isbeddellada uu ka sameeyey siyaasadda dalkaasi.

Hay’ad fadhigeedu yahay Ingiriiska oo lagu magacaabo Ladbroke oo badanaa arrimaha siyaasadda saadaal ka bixiso ayaa sheegtay iney Dr Abiy guusha raaci doonto wuxuuna rajada inuu guuleysto ay gaarsiisay 80% ayay tiri hay’addu.

BBC