Wafuud kale oo ka qeyb galeysa caleema saarka Axmed Madoobe oo maanta ku sii jeeda Kismaayo

0
174

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inay ka socoto qaban qaabada soo dhoweynta wafuud dheeraad ah oo ka qeyb galeysa caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland, kuwaasoo maanta ku sii jeeda Kismaayo.

Sida wararku sheegayaan wafuuda maanta laga sugayo Kismaayo ayaa la filayaa inay ka yimaadaan magaalooyinka Nairobi, Garowe iyo Muqdisho.

Maamulka Jubbaland ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jira qabsoomida Xaflada caleema saarka ee Axmed Madoobe, iyadoo la diyaariyay diyaarado lagu soo qaadayo wafuuda imaaneysa.

Lama oga sida ay ku suurta geli karto wafuuda ka imaan doonta Muqdisho sida ay ku tagi karaan Kismaayo, maadaama horay diyaaradaha rayidka ee aadaya Kismaayo lagu amray in aanay qaadi karin siyaasiyiinta.

Dowladda Federaalka ayaa weli ka hadlin diyaaraddii tooska aheyd ee shalay ka timid Nairobi, kana degtay magaalada Kismaayo, waxaana diyaaraddaas ay siday wafuudii u horeysay ee ka qeyb galaya caleema saarka oo ay hoggaaminayeen Madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo Koofur Galbeed Shariif Xasan iyo C/kariin Xuseen Guuleed.

Jowhar