C/rashiid Yuusuf Jibriil oo loo doortay Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland

0
203

C/rashiid Yuusuf Jibriil ayaa loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, kaddib doorasho saaka ka dhacday magaalada Garowe.

Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay ku tartamayeen illaa saddex musharax ayaa waxaa wareegii labaad u soo gudbay labo Musharax oo kala ahaa C/rashiid Yuusuf Jibriil iyo C/jamaal Cismaan.

C/rashiid Yuusuf Jibriil ayaa wareeggii labaad helay codod dhan 46 cod, taasoo ka dhigan inuu helay aqlabiyada ugu badan Baarlamaanka Puntland.

Sidoo kale Musharaxii kale ee la tartamayay Cabdi Jamaal ayaa isna helay 17.