Ciidamo Ka Tirsan Ahlu Sunna Oo Ku Biiray Kuwa Dowladda

0
130

Taliyihii ciidamada Ahlu Sunna ee Guriceel, C/laahi Daahir Rooble iyo askar uu wato ayaa saacadihii la soo dhaafay ku biiray kuwa dowladda ee ka howlgala Galmudug.

Tirada ciidamadan oo la shaacin iyo sarkaalka wata ayaa lagu soo dhoweeyey gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Wararka qaar ayaa sheegaya in tabashada askartaasi ay qanciyeen saraakiisha ciidanka Xoogga Soomaaliyeed.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo haatan ay taagan tahay xiisad u dhexeysa dowladda iyo Ahlu Sunna, taas oo ka dhalatay dhismaha Galmudug oo mid ah.

Radioshabelle