Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay Xaalada Fatahaadaha

0
151

Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ay soo saartay waxay kaga hadashay xaalada fatahaadaha, waxayna sheegtay in haatan howlaha Gurmadka ay sidii loogu talagalay ay u socdaan.

Sidoo kale warkaan ayaa lagu sheegay in haatan la filayo Roobab ma hiigaan oo ka da’a Gobalada Soomaaliya maalmaha soo socda kuwaasi oo keeni kara daad badan oo sababi kara khasaaro.