Iska horimaad ka dhacay Kontrolka Magaalada Boosaaso iyo Sarkaal lagu dilay

0
169

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay iska horimaad culus oo ka dhacay kontrolka magaalada Boosaaso kaasoo dhexmaray ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo halkaas ku sugnaa iyo ciidamo ka yimid degaanka Carmo.

Sida wararku sheegayaan iska horimaadkan ayaa yimid ka dib markii ciidanka Puntland ee joogay kontrolka ay is hor taageen ciidamo qaab beeleed u abaabulan oo doonayey iney gudaha u galaan magaalada, kuwaasoo uu horkacayey nin la yiraahdo Ciise Yulux.

Dadka iska horimaadkan ku dhintay ayaa waxaa ka mid ah taliyihii ciidanka Puntland ee joogay Kontrolka Boosaaso, waxaana wararka qaarkood ay dhimashada gaarsiinayaan illaa shan askari oo labada dhinac ah uuna ku jiro taliyahan.

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in ciidamada loo diiday iney Boosaaso galaan uu qorshohoodu ahaa iney garab siiyaan Hay’adda PDG oo qaabilsanayd saadka ciidamada Badda Puntland oo saaka xiratay qaar ka midda wadooyinka Magaalada Boosaso iyagoo ka gadoodsan shaqo joojin lagu sameeyey.

Labada ciidan ayaa weli isku hor fadhiya kontrolka magaalada Boosaaso, waxaana mararka qaarkood la maqlayaa rasaas goos goos ah oo la isdweydaarsanayo, iyadoo uu hakad galay gaadiidkii u kala gudbayey labada dhinac ee Kontrolka Boosaaaso.

Allbanaadir