Madaxweyne Farmaajo seddax arrimood oo uu u sheegay ganacsatada Soomaalida ee Kenya

0
194

Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo Ka qeybgalay shirkii horumarinta iyo arrimaha bulshada ee ka dhacay magaalada Nairobi, Kenya, ayaa sidoo kale la kulmay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee ku sugan Nairobi, kuwaasoo uu u sheegay “xaaladda siyaasadda ee dalka”.

“Waxaan idiin sheegayaa, intiina badan waad la socotaan (xaaladda dalka) laakiin fahan aan idiinka siiyo”, ayuu madaxweynaha ku yiri ganacsatada.

Waxaan halkan ku eegeynaa dhowr arrimood oo madaxweyne Farmaajo uu ka hadlay:

1- “Fahamka dhibatada dalka”

Soomaaliya waxaa muddo ka taagan qalalaase siyaasadeed, mid amni iyo dhibaato ay la kulmaan shacabka sida abaaraha ama fatahaada, caafimad darro iyo adeegyada aasaasiga ah oo meesha ka baxay xilligii burburka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay: “Waxyaabaha aan ku guuleysanay waxaa ka mid ah inaan fahamnay dhibaatada iyo caqabadaha dalka”. Wuxuu u muuqday in uu farta ku fiiqayay kuwa siyaasadda la xiriira.

Weli, Soomaaliya waxaa ka taagan khilaaf siyaasadeed u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada.

Waxaa sidoo kale jira xildhibaanno dhaliishan qaabka ay dowladda wax u maamusho, iyadoo madaxweynayaashii ka horreeyay Farmaajo ay sameysteen isbeheysi mucaarad ah oo aad u dhaliila tallaabooyiinka xukuumadda ay qaaddo.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu qabaa in “dalka muddo dheer uu xanuunsanaa waxyaabaha ragadiyayna ay ka mid tahay qabyaaladda”.

“Dowlad ahaan, waxyaabaha dalkan meeshan uu joogo soo gaarsiiyay ee u eg inaan nahay fadhiid, oo sababay in muddo dheer aan horey loo socon waxay ahayd siyaasad la’aan”, ayuu yiri madaxweynaha.

Wuxuu inta ku daray: “Dalku wuxuu horumaraa marka siyaasaddiisu ay deggan tahay, masuuliyiintana ay wada shaqeyn leeyihiin, shacabka uu la shaqeynayo ayna fahamsan yihiin dowladdoodu meesha ay u socoto”.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya wuxuu carabka ku adkeeyay in dowladdiisa ay “fahamtay arrimahaas ayna xasilan tahay”.

“Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha wada shaqeyn ayey leeyihiin; xukuumadda iyo baarlamaanka wada shaqeyn ayey leeyihiin; shacabka iyo dowladduna wada shaqeyn ayey leeyihiin; caalamka intiisa kalana aan ka raadino xiriir wanaagsan”, ayuu sheegay Farmaajo oo ka hadlayay sida ay khilaafka uga gudbeen dowlad ahaan.

Madaxweynaha oo ka hadlayay khilaafyadii hore wuxuu yiri: “Waxay dhibaatooyiinka inta badan ka tagnaan jireen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, intaas ayaa noqotay wax muddo dheer la xallin waayay”.

Dowladda madaxweyne Farmaajo oo ku dhowaad seddax sano jirtay, ma jirin “khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo ra’iisul wasaaraha”, sida uu u sheegay ganacsatada Soomaalida ee Nairobi.

2- “Siyaasiyiinta careysan”

Dowladihii ugu dambeeyay ee tan iyo 2000, ma jirin madaxweyne mar labaad xilka ku soo noqday, wuxuuna “mid kasta la imaanayay siyaasiyiin ay ka mid yihiin kuwa cusub”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay: “Dalka maadaama uu khalalaasa siyaasadeed uu muddo ku soo jiray; maalin walba waxaa imaanayay siyaasiyiin cusub. Afar sano walbaba siyaasiyiin hor leh way imaanayeen”, ayuu yiri.

“Kuwii horena ma tagaan, magaaladey kula joogaan iyagoo firfircoon, aadna way u badan yihiin”.

Wuxuu intaa ku daray: “Haddaad tiraahdo 10 ama 20 ama 30 ka soo bixi (oo shaqo hala siiyo), kun ayaa bannaanka taagan oo careysan”.

“Waxay hor taagan yihiin idaacadaha, Facebook-yada, oo kulligood shaqa doon ah. Shaqadey yaqaaneenna waa wax ay garanayeen oo ay soo dhedhemiyeen”, ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Dowladda Federeelka ee Soomaaliya.

“Qaar way iska aamusan yihiin, qaarna dagaal ayay ku jiraan qeybna waxay ka yihiin in lugaha la hayo dowladda si loo ogaado ama loo xasuusto. Si loo dhoho ‘hebel wuu qeylinaayaayee bal haloo yeero maanta’,” ayuu sheegay madaxweynaha.

Dowladda waxay sidoo kale caqabad dhanka amniga ah ka wajeheysaa ururka Al-Shabaab. Maxaweynaha ayaa yiri: “shabaabkii anagoo dhan ayey na nicibyihiin oo dagaal nagula jiraan” oo uu ula jeeday in siyaasiyiinta iyo dowladda aysan jecleyn.

3- “Maamul Goboleedyada”

Waxaa jiro khilaaf muddo soo jiitamayay oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada oo la xiriira arrimaha siyaasadda.

“Intaas waxaa wehliya dowlad goboleed”, ayuu yiri madaxweyne Farmaajo oo sii waday hadalka ku saabsanaa dhibaatooyiinka guud.

“Meel bay taagan yihiin, waa madaxweynayaal, awoodda dowladda dhexe oo kale aye raadinayaan; siyaasad dibadeed ayey rabaan; ciidan gaar ah ayey rabaan in ay sameystaan; dastuur gaar ahna way leeyihiin”, ayuu yiri madaxweynaha oo ka hadlayay Nairobi.

“Haddii iyaga naftigooda la is fahmi waayo, waa meelo laguu soo dhexmaro oo dowladaha shisheeye laga yaabo in ay kuu soo dhexmari karaan, intaas waxaa dheer dowladihii deriska oo iyaga laftigooda wax ku leh oo dano qaran ka leh dalka, waxay doonayaan in ay saameyn ku yeeshaan waxa shaqeynaaya”, ayuu hadalka ku daray madaxweyne Farmaajo.

Wuxuu intaa ku daray: “Haddii qaarkood ay ku jeclaan waayaan ama u arkaan in aadan la shaqeyneyn, waxay haystaan in ay kuu soo dhexmaraan dowlad goboleed, waxay haystaan in ay kuu soo maraan labadii kun ee siyaasiyiinta ahaa; waxaa laga yaabaa in ay kuu soo dhexmaraan xildhibaannadii; waxaa suuragal ah in ay kuu soo dhex maraan dowladdii dhexdeedii”.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in taas ay ku xiran tahay “hadba inta tabartoodu gaarsiisan tahay”.

“Marka iyada naftigeedu waa in aad xiriir fiican la yeelato”, ayuu sheegay.

“Hadda waxaa nagu soo biiray Khaliijka oo iyaga naftigooda qeyb ka ah howlaha socda. Caqabadahaas oo dhan ayaan mid walba ku haynaa xargo si dowladda u shaqeyso oo u hana qaado, oo wax la taaban karo wakhtiga yarka ay haysto u qabato”, ayuu hadalka ku sii daray.

BBC