Maxay labada dal uga dhigan tahay heshiiskii Farmaajo iyo Uhuru?

0
296

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhiggiisa Kenya, Uhuru Kenyatta, kula kulmay magaalada Nairobi, waxayna ka wadahadleen sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirka labada dal ee sii xumaanayay sannadihii la soo dhaafay.

Khilaaf soo jiitamayay oo ka dhashay muranka xuduudda badda ayaa u dhexeeyay labada dowladood, kaas oo laga warsugayo in maxkamadda Cadaaladda caalamiga ah ee ICJ ay go’aan ka gaarto.

Shir jaraa’id oo si wadajir ah ay ugu faah-faahiyeen qodobbada ay isla meel dhigeen, ayey ku qabteen magaalada Nairobi. Waxay sheegeen in ay ku heshiiyeen qodobbo ay ka mid yihiin; in duullimaadyadii tooska ee Muqdisho iyo Nairobi la soo celiyo iyo arrimaha badda ee kiiska ICJ.

“Run ahaantii waxay iila muuqataa arrin horumar leh, maadaama ayaamihii ugu dambeeyay ay aad u cakirnayd xiriirka labada dal”, ayuu yiri Xuseen Axmed Geelle (Sandhool) oo ka fallooda arrimaha siyaasadda Bariga Afrika.

Arrinta muranka xuduudda badda oo sal u ah khilaafka ayaa sabab u ahaa inuu xiriirka xumaado, heshiisyadii horey looga gaarayna ma aysan keenin “xal waara oo dhab ah”. Balse hadda waxay filayaan “in xiriirka uu wanaagsanaado”.

“Waxaan maalmihii uu shirkaas socday helnay fursad aan isku aragno walaalkey ugana wadahadalno arrimo la xiriira labadeenna dal, waxaana ku khasbanahay inaan u mahadceliyo walaalkey, sababtoo ah waxaan yeelannay wadahadallo mira-dhalay,” ayuu yiri Uhuru Kenyatta.

“Nasiib darro dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay waxaa na dhex yaallay arrimo wax u dhimay xiriirkeenna, laakiin maanta waxaan isku waafaqnay aniga iyo walaalkey inaan u baahannahay inaan sidii caadiga ahayd kusoo celinno xiriirkeenna”, ayuu hadalka ku sii daray.

Sida lagu daabacay bogga telefishinka Qaranka ee Soomaaliya (SNTV), qodobbada lagu heshiiyay waxay kala ahaayeen:

  • In xiriirka labada dal lagu soo celiyo si caadi ah, iskaashiga iyo wada-shaqaynta labada dalna la xoojiyo.
  • In duulimaadka tooska ah ee Miqdisho iyo Nairobi lagu soo celiyo toos (Wajeer aan la soo marin) muddo toddobaad ah.
  • In muwaadiniinta wata baasaboorrada Rasmiga ah (Service iyo Diplomat) visaha Kenya ay ka qaataan Garoomada Kenya
  • In kiiska Badda ee ICJ yaalla uusan saammayn xiriirka labada dal sida uu sheegay madaxweyne Farmaajo.

Sandhool ayaa sheegay: “Dadaal weyn ayey dowladda u gashay in ay arrintaas soo celiso. Dhibaatooyiin iyo carqalado jiray oo la isku haystay ayaa (sababay) in maalinba malinta ka dambeysa ay ka sii darto. Laakiin hadda waxaa filayaa in ay ka waantoobayaan dhibtii faraha badnayd ee la isku hayay ayna yara degeyso”.

Qodoobbada heshiisyada ee la soo bandhigay waxay u badnaayeen kuwo “dan ay ugu jirto Soomaaliya”, sida ay qabaan khubarada ka faalloota arrimaha siyaasadda.

Balse Xuseen Axmed Geelle wuxuu qabaa in “labada waddanba ay dan weyn ugu jirto” heshiiska la isla gaaray.

“Qodobbada qaarkood ha u muuqdaan in loo bayaaniyay dhanka Soomaaliya, laakiin Kenya – marka is dhexgalka wanaagsanaado, isu socodkana wanaagsanaado – laftigooda faa’iido badan ayey ku qabaan. Marka labada dhinacba fa’iido badan ayaa la isku qabaa”, ayuu yiri Sandhool.

Arrinta kiiska ICJ

Bogga Facebook ee Madaxtooyada Kenya ayaa lagu qoray: “Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu muujiyay in uu kalsooni ku qabo in khilaafka xuduudda badda ee labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya ee hadda horyaalla ICJ lagu xallin doono hab la isla aqbali doono”.

Balse boogga Facebook-ga ee Villa Somalia waxaa lagu sheegay: “Sida caadiga ah dadka way isku khilaafaan wax aan ahayn danaha guud, waana sababtaa midda aan idiinkugu xaqiijinayo in arrinta ICJ aysan saameyn doonin xiriirkeena laba geesoodka ah, si taa loo xaqiijiyana, waxaan labadeenaba ka faa’ideysaneynaa xiriirka dowlad-ka-dowlad,” ayu yiri madaxweyne Farmaajo.

Xuseen Axmed Geelle (Sandhool) oo ka fallooda siyaasadda Bariga Afrika, wuxuu qabaa in “arrintaa laga warsugayo” maxkamadda ICJ oo bisha June ee sannadka soo socda dhageysan doonto doodda labada dal.

“Waxay u muuqataa horta in qodobbada ugu horreeya ee la isku afgaran karo, la isuguna soo dhowaan karo, in la xalliyo.”

Wuxuu intaa ku daray: “Qodobbadaa marka ay dhammaadaan, go’aanka maxkamaddana la gaaro, waxaann filayaa in la sugayo oo aan laga hor dhicin waxa ay ka tiraahdo”.

BBC