Sidee loo mideyn karaa dedaallada “is barbar yaaca ah” ee gurmadka Beledweyne?

0
152

Dhiibatada ka dhalatay daadka uu webiga Shabelle ku fatahay magaalada Beledweyne ayaa keentay in Soomaali badan oo gudaha iyo dibeddaba ku nool ay isu xilqaamaan gurmadka loo fidinayo dadka ku dhibaataysan magaaladaasi.

Tusaale ahaan, guddi ka kooban ganacsatada ugu waaweyn dalka ayaa ururiyay lacag dhan hal milyan oo dollar, sida uu BBC-da u sheegay gudoomiyaha rugta ganacsatada Soomaaliya, Maxamuud Cabdikariim Gabayre.

Wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa isna BBC-da u sheegay in dowladda federaalka ay lacag ka badan nus milyan dollar ugu talagashay gurmadka Beledweyne.

Sidoo kale dalal ka mid ah kuwa deriska la ah Soomaaliya iyo kuwa saaxiib la la’ ayaa ballanqaaday inay qeyb ka noqonayaan gurmadka.

Waxaa intaa dheer shakhsiyaad si iskood ah isu xilqaamay oo lacago ka ururiyay dalka iyo dibeddaba.

Gurmad badan ayaa jiri iyadoo guddiyo iyo shaqsiyaad is xilqaamay ay si kala duwan u fidinayaan gurmad kala duwan oo aan isla socon.

Ururada Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliya ayaa ku talinaya in “is barbar yaaca” uusan wanaagsanayn howlaha gudrmadka. “Waxay sababi kartaa in macawinnada aan dadka la garsiin”, ayuu yiri Cabdullahi Maxamed Shirwac oo ka mid ah ururadaas.

Dhallinyaro badan oo ka mid ah dadka sida iskooda ah isu xilqaamay ayaa uruuriyay lacago. Waxaa ka mid ah Maxamed Warsame Sandhool oo isaga iyo dhalinyaro kale lacago ay ka ururiyeen inta badan gudaha dalka ku kharash gareeyay sidii gurmad caafimaad loogu fidin lahaa dadka ay saameeyeen daadadka Beledweyne.

Guddiyada la sameeyay

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa 26-kii October guddi heer wasiirro ah u saaray dhibaatada Beledweyne, muddo yar kadibna waxaa guddi heer maamul goboleed ah magacaabay madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare.

Guddiyadan ayaa ku sugan deegaan Ceel Jaalle ee u dhaw Beledweyne, waxaana soo baxaya warar sheegaya in maanta ay halkaa uga arrinsanayaa sidii loo mideyn lahaa dedaalka gurmadka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in muran uu ka taagan yahay qaabka loo wajahay wax u qabashada dadka ay saameeyeen daadadku.

Sidee loo mideyn karaa howlaha gurmadka?

Maxamed Warsame Sandhool ayaa aaminsan in dedaallada dhinacyada badan leh ay u wanaagsan yihiin in si degdeg ah gurmadka loo gaarsiiyo dadka u baahan, oo aanay dhicin in wax laga sugo cid gaar ah.

“Waxa hadda loo baahan yahay waa dhiig-joojin, waxa loo baahan in naf baxaysa laga gaaro. Marka ka dhalinyaro ahaan waxaan xoogga saarnay dhanka caafimaadka, maadaama uu garoonka xiran yahay, roob xooggana da’ayo,” ayuu yiri Sandhool.

“Marka ay dhacdo in dad badan ay si isbarbar yaac ah u gurmadaan, waxaana badanaya dadka uu damaca ka gelayo gargaarka, taasoo keeni karta in mucaawinada aysan gaarin dadkii u baahnaa, waana tan ugu khatarsan,” ayuu yiri Cabdullahi Maxamed Shirwac oo ka mid ah madaxda ururrada bulshada rayidka ee Soomaaliya muddo labaatan sano ka badanna kusoo jiray hawlaha gurmadka.

Wuxuu intaa ku daray in loo baahan yahay in Dowladda Federaalka ay qaadato dowrka isku dubaridka hawlaha gurmadka ee loo fidinayo dadka ay fatahaadaha saameeyeen.

“Guddiga federaalka ayay tahay inuu isku dubarido dhaqaalaha ka imanaya dalalka dibedda ee saaxiibka la ah Soomaaliya, jaaliyadaha dibedda ee Soomaalida ah iyo ganacsatada gudaha. Waa in sido kale la dhiso guddi hoosaad gargaarka gaarsiiya dadka u baahan,” ayuu yiri Shirwac.

Aqoonyahankan ayaa intaa ku daray in muhiim ay tahay in la ogaado xaaladda dhabta ah ee dhibaatada fatahaada, taasina ay waxbadan ka tari karto qaabeynta hannaanka waxqabadka.

BBC