Doorashada Soomaaliya: “Waa in aanan helin xujo iyo sambuus afar gees ah”

0
459

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa weli ka doodaya arrimaha doorashada soo socota iyo shuruucda la xiriirta sidii loo qaban lahaa.

Xildhibaannada qaar ayaa dhaliilo u jeediyay guddiga doorashooyiinka Soomaaliya iyo sida ay hannaaka meelmarintan sharcigan horyaalla baarlamaanka “uga hor dhacayaan”.

Xildhibaan Axmed Macalim Fiqi ayaa 11-kii bishan December sheegay in Guddiga ay “Baarlamaanka oo ka doodaya arrimaha sharciga doorashooyiinka ay ku garab fureen dood kale. Shalay oo u dambeysay waxay qabteen dood ku saabsan sharciga doorashooyiinka.

Sidoo kale Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah xildhibaan, ahna wasiir ka tirsan xukuumadda waxay isla maalintaa baarlamaanka ka hor sheegtay in “Guddoga oo laga rabay in marka sharciga la ansixiyo ka dib uu ka shaqeeyo qaabka doorashada dalka ay u dheceyso uu hadda Baarlamaanka sii hor ordaayo”.

“Xisbiyadii inta la shiriyo ayaa la leeyahay awooddiinii baa la qaadanayaa. Awoodda manta waxaa iska leh baarlamaanka uu sharcigan dhexyaallo”, ayey hadalka ku sii dartay.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyiinka Xaliimo Ismaacil oo BBC Somali la hadashay waxay sheegtay “in su’aalo la weydiin karo, la doodi karo, balse aysan jirin eedo loo soo jeediyay oo baarlamaanka kaga timid”.

“Waxaan aaminsanahay in doorasho (qof iyo cod ah) waddankaan laga qaban karo”, ayey tiri Xaliimo.

Guddiga doorashada ee madaxa-bannaan ee Soomaaliya waxaa la dhisay 2015-kii, “Shaqadiisana ma ka mid ahan in uu saameynta iyo nooca doorashada ka doodo”, sida uu qabo Xildhibaan Fiqi.

Haddaba, guddoomiyaha Guddiga Xaliima Ismaaciil ayaa hortagtay xildhibaannada, shalay waxayna su’aalo ka weydiiyeen arrimahaas iyo qaban qaabada.

Xaliimo yarey uu baarlamaanka u khudbeysay waxay ka hadashay halka ay u mareyso “heerarka diyaargarowga howlaha doorashooyiinka iyo waajibaaka guddiga saaran”.

“Fulinta howlaha istiraatiijiyadda ee guddiga waxaa saldhig u ah mabaadii’da dastuurkeena ku meelgaarka ah, sharciga guddiga doorashooyiinka iyo sharciga axsaabta”, ayey tiri Xaliimo Yarey.

“Waa seddaxdaa kuwii aan afarta sano ku soo shaqeyneynay oo aan waxna khilaafeynin, haddii uu wax khilaafaayana noola sheegi doono nalagana sixi doono”.

“Waxaa kaloo jiro heshiiskii madaxda qaranka ee Baydhabo ee 2018-kii, qorshaha horumarinta qaranka oo aan aad ugu shaqeyno iyo natiijada ka soo baxday la tashiga dadweynaha Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda”.

Xaliimo Ismaaciil oo xildhibaannada la talisay waxay tiri: “Guddiga wuxuu diyaar u yahay in uu ku shaqeeyo shuruucda aad soo saartaan; shaqadeenu waa intaas; laakiin markaan ku shaqeyneyno waa in aan heli karno wax aan ku shaqeyn karno; waa inaanan helin wax xujo ah iyo sambuus afar gees ah”.

Guddiga doorashooyiinka waxaa u degsan toddobo yool, sida ay Gudoomiyaha u sheegtay baarlamaanka, kuwaas oo dhammaantood ay waxyaabo kala duwan uga qabsoomeen; waxaana ka mid ah lixdan qodob oo ay akhrisay:

  1. Diyaarinta xeerarka hagaya howlaha doorashada
  2. Dhismaha hay’adda guddiga doorashada
  3. Wacyi-gelinta codbixiyayaasha
  4. Diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha xaqa u leh codeynta
  5. Diiwaan-gelinta xisbiyada siyaasadda iyo dejinta xeerarkooda
  6. Diyaargarowga qabashada doorashada

Sida gudoomiyaha Guddiga Doorashooyiinka Soomaaliya sheegtay, waxaa doorashada “loo qoondeeyay $23 milyan oo dollar oo $7 milyan oo ka mid ah ay dowladda federaalka ee Soomaaliya ay bixin doonto”.

Sidoo kale waxaa illaa iyo hadda la diiwaan-geliyay 63 xisbi siyaasadeed, welina waxaa diiwaan-gelinta sugaya 20 xisbi oo kale.

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax oo ahna wasiirka waxbarashada oo ka hadlay Xarunta Baarlamaanka wuxuu yiri: “Anigoo runtii ku faraxsan amaanaayana diyaargarowga iyo shaxda iyo qaabka doorashada (ee guddiga madaxa-bannaan ay sameeyeen), haddana waxaad muudaa in ay ka hor dheceen sharciga soo baxaya, sharciganna waa in uusan marnaba saameyn ku yeelan diyaargarowgooda”.

Xaliimo Yarey, waxay dalbatay in shuruucda la meelmarinayo ay noqdaan kuwo ilaaliyo xuquuqda muwaadinta ka qeybgalayo doorashada – tartame ama codbixiye, midkii uu noqdaba.

Sidoo kale waxay ku talisay in nooca doorashada ee la qaadanayo uusan noqon mid horseedi kara dagaal iyo khilaaf uuna noqdo “mid ilaalinaya midnimada iyo wadajirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed”.

Xildhibaan Goodax oo u muuqday in arrimahaas uu ku taageerayay Guddiga wuxuu yiri: “Way ku wanaagsan yihiin in ay dadaalayaan, waxaana u fasiranayaa in gole shacab ahaan, aysan howsha horey inooga socon. In ay walwalaan oo ay is diyaariyaan iyagoo cabiraya meesha aan wax ku soo tuuri doonno, waa wax wanaagsan”.

“Waxaan xildhibaannada uga digayaa in aysan ku go’aan qaadanin diyaargarowga guddiga oo runtii sidiisa wax wanaagsan u ah. Guddigana diyaargarowgiina wuu fiican yahay, laakiin sabar yeesha, ka war suga inta halkan ay wax ka soo dhammaanayaan,” ayuu sheegay.

Arrimaha sida ugu badan looga doodayo Aqalka Baarlamaanka waxaa ka mid ah, doorashada ah qof-iyo-cod, balse waxay su’aal ka taagan tahay sida loo qaban karo iyadoon amniga weli uusan wanaagsanayn.

Xildhibaan Canab Xasan Cilmi ayaa tiri: “Waxaan rabnaa in maadaama aan markii hore ku soo tartannay magaalo madax (gobollada), in maanta la daadejiyo oo la gaarsiiyo degmo iyo tuulo oo qofka kursigiisa loo dhigo meesha uu ka soo jeedo oo uu ka soo tartamo. Sidaas ayaan qabaa aniga”.

Laakiin Xildhibaan Axmed Macalim Fiqi ayaa soo jeediyay su’aal ah “Iyadoo la eegayo xaaladaha jira (amnidarada), in sannad wax ka yar lagu qaban karo doorasho (noocaas ah)?

Xaliimo yarey oo arrintaas ka hadashay ayaa BBC Soomaaliya u sheegtay: “Wixii na loo sameeyay ee noola igmaday waxay ahayd in waddankaan aan ka qabano doorasho qof-iyo-cod ah.

“Waxaan jirnaa muddo afar sano iyo bar ah, waxaan xilligaa ka soo shaqeyneynay farsamo ah sidii doorasho qof iyo cod ah loo qaban lahaa; taas waa farsamada.

“Doorasho waxaa la qaban karaa markii shuruucdeeda la hayo, markii siyaasiyan la isku wada raacsan yahay, markii ay farsamadeedu diyaarsan tahay. Anaga beri markii sharciga naloo dhiibo waxaan aaminsanahay in doorasho waddankaan laga qaban karo”, ayey tiri Xaliimo Ismaaciil, Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyiinka Soomaaliya.

BBC