Madaxweynihii hore ee Galmudug oo ka hadlay Hadalkii Lafta Gareen iyo Fal Celiskii ka dhashay

0
385

Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay hadalkii dhawaan uu magaalada Baydhabo ka jeediyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen iyo fal celiskii ka dhashay hadalkaasi.

Waxa uu sheegay Cabdikariin Guuleed in bulshada Koonfur Galbeed iyo kuwa Galmudug yihiin dad walaalo ah, waxa uuna uga digay Siyaasiyiinta in ay xiisad ka dhax abuuraan dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Halkan ka Akhriso Qoraal uu arintan uga hadlay Mr Guuleed

REER GALMUDUG IYO REER KOOFUR GALBEED WAA DAD EHEL IYO WALAAL AH.

Waxaan ku arkayey baraha bulshada labadii maalmood ee la soo dhaafay hadalo iyo falcelis ka dhashay hadal uu jeediyey madane Cabdicasiis Laftagareen madaxweynaha Koofur Galbeed, hadadaas iyo falcelisyadaas oo aad moodo inay kicin karto caadifadda dadka, beerina karaan kala fogaasho dadka walaalaha ah ee reer Galmudug iyo Koofur Galbeed.

Haddaba waxaan is leeyahay inaan dhamaanteen ka fogaano hadalada ciifadda leh oo dadkanaga wadajirkooda iyo walaaltinimadooda dhaawacaya waxna u dhibaya.

Waxaa hubaal ah in dadka reer Galmudug guud ahaan iyo dadka reer Gaalkacyo aysan talo iyo tashi intaba ku dilin kuna xasuuqin dad reer Koofur Galbeed ah, markii ay dhacdadii Gaalkacyo dhacdana dhamaantood ay ka dhiidhiyeen kana gilgisheen, ayagoo intii ay karaanna ka samafalay kana garaabay falkaas xun ee ay geesteen dadka wax ma garadka ah.

Dhanka kale dadka reer Koofur Galbeedna xaq ma aha in lala xiriiriyo falalka argagaxiso iyo qaraxyo ee muqdisho iyo soomaali inteeda kalaba ka dhacaya, kuwaas oo ay hubaal tahay in dad badan oo reer Koofur Galbeed ah ay ugu horeeyaan inta wax ku noqota, dhibaataduna ka soo gaarto.

Haddaba waxaa haboon in dadka masuuliinta ah ay ka shaqeeyaan wax dadkeena isku soo dhaweynaya, xoojinayana wadajirkooda, iskaashigooda iyo midnimadooda intaba, haddii uu qof inaga mid ah uu war ka dhacana fasiraadda loo wanaajiyo.

Waxaan xiriiro la sameeyay masuuliintii kala duwaneyd ee ay arintani khuseysay, si xaaladda loo dajiyo, waana ku mahadsan yihiin sida ay arinka iila garteen.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen oo markii uu arkay in hadalkiisii si kale loo fahmay ciifadna uu kiciyey, fasiraad iyo jawaab kale ka bixiyey, taas oo ah wax masuuliyadda iyo maqaamka uu jooggo ay fareyso.