Shir u dhaxeeya Wasaaradaha Maaliyadda oo ka furmaya Kismaayo

0
379

Shir u dhaxeeya Wasaaradaha Maaliyadda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa maanta ka furmaya magaalada Kismaayo, kaasoo noqonaya shirkii u horeeyay oo ka dhaca Kismaayo, tan iyo dib u doorashadii Axmed Madoobe.

Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo, waxaana uu noqday Mas’uulkii u horeeyay ee ka socda dowladda Federaalka oo taga Kismaayo, kaddib doorashadii halkaas ka dhacday bishii Agosto oo dowladda Federaalka sheegtay in aanay aqoonsaneyn.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa xalay ku hoyday Wasiirada Maaliyada ee Maamul Goboleedyada Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir, waxaana ay qeyb ka yihiin shirka maanta ka furmaya Kismaayo.

Muddooyinkii u dambeeyay shirarka u dhaxeeya Wasaaradaha Maaliyadda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa ka dhacayay dalka dibadiisa, sida magaalooyinka Kampala iyo Addis Ababa, waxaana shirarkaas ay soo ifbixiyeen kalsooni la’aanta u dhaxeeysa Federaalka iyo dowlad goboleedyada ee ka dhashay khilaafkii labada dhinac hareeyay bilihii la soo dhaafay.

Jowhar