Taliyihii hore ee Sirdoonka Maamulkii Cabdi Iley oo Hargeysa lagu qabtay loona gacan galiyay

0
408

Ciidamada amaanka ee maamulka Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ku qabtay Taliyihii hore ee Ciidamada Sirdoonka Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mukhtar Sheekh Suubane.

Sargaalkan la qabtay ayaa kamid ahaa liiska dadka sida weyn loo raadinayay ee katirsanaa maamulkii Cabdi Maxamud Cumar (Iley) , waxaana sargaalkan lagu eedeeyay in uu gabood falo badan ka geestay deegaanka Soomaalida.

Mukhtar Sheekh Suubane oo kamid ahaa saraakiisha awood ku dhax lahaa maamulkii Cabdi Iley ayaa mudooyinkii dambe kunoolaa magaalada Hargeysa kadib markii uu kasoo cararay deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Maamulka Somaliland ayaa la sheegay in sargaalkan ay qabteen ku wareejiyeen maamulka ka arimiya Deegaanka Soomaalida kuwaa oo dhankooda u xaqiijiyay Warbaahinta in loo soo gacan galiyay sargaalkan la raadinayay.

Sargaalkan katirsanaa maamulkii Cabdi Iley ayaa la filayaa in lasoo taago maxkamd lagu qaado dambiyo badan oo lagu eedeeyay in uu galay xiligii uu katirsanaa maamulkii uu hogaamin jiray Cabdi Iley.