R/wasaare Khayre oo Dhuusamareeb kula kulmay Odoyaasha Dhaqanka ee Xeraale iyo Huurshe

0
200

Ra’iisul Wasaare Mudane Xasan Cali Khayre oo hoyga uu ka deganyahay Dhuusameeb kula kulmay odayaasha dhaqanka Xeraale ayaa ka xog wareystay sida uu u dhaqan galay heshiiskii nabadeed ee Xeraale iyo Huurshe.

Odaayasha ayaa R/Wasaaraha dalka u sheegay in Heshiiskaas uu guulaystay, haatana dadka ay ku noolyihiin nabad iyo daganaasho.

Mudane Xasan Cali Khayre oo ayaa uga mahadceliyay odoyaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada sida wanaagsan oo ay uga shaqeeyeen howlaha nabadaynta, wuxuuna kula dardaarmay in la sii xoojiyo dib u heshiisiinta iyo wada noolaanshaha.