Puntland oo xirtay xafiiskii guddiga doorashooyinka Qaranka ee Garoowe

0
174

Maamulka Puntland ayaa maanta albaabada u laabay xafiiskii Guddiga Doorashooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya, uu ku lahaa magaalada Garoowe.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa lagu wargeliyay Maamulka Gobolka Nugaal, in Wasaaraddu ay xirtay Xafiiskii Guddiga Doorashooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya uu ku lahaa Garowe, laga bilaabo maanta oo ku beegan 6 February 2020.