Qoor Qoor: “Ciddii ka hor timaada amniga Galmudug xoog baan u adeegsaneynaa”

0
195

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug ee garabka Dowladda Soomaaliya Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa Maanta booqasho ku tagay xarumaha Ciidamada kala duwan ee Maamulka Galmudug, waxaana safarkiisa qeyb ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkaas.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa booqashadiisa ka bilaabay Xarunta Ciidamada Xoogga Dalka, qeybta 21-aad, wuxuuna warbixin ka dhageystay taliyaasha ciidamada.

Madaxweynaha ayaa Taliyaasha iyo ciidamadii ku sugnaa Xarunta 21-aad ku amray inay dardargeliyaan howlaha ay u hayaan guud ahaan dalka, gaar ahaan Dowladda Goboleedka Galmudug oo uu hareeyey khilaaf xoog leh kadib markii ay iska garab dhismeyn ilaa 3 Madaxweyne.

Sidoo kale Madaxweyne Qoor Qoor ayaa booqasho ku tagay taliska Ciidamada Haramcad ee Booliska kuwaas oo dhawaan la geeyey Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa ciidamada Haramcad ee Booliska ku amaanay doorkii wanaagsanaa oo ay ka qaateen sugidda ammaanka xilligii ay dhaceyso doorashadii isaga lagu doortay, isagoo kula sii dardaarmay inay laba jibaaraan shaqada ay shacabka Galmudug u hayaan.

Sidoo kale Waxaa uu sheegay in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay inay xaqiijiyaan Amniga Guud ahaan deegaannada Galmudug, hayeeshee aysan aqbaleyn in carqalad laga abuuro amniga ay heystaan.

“Cidna kama yeelayno in ay amniga Galmudug Caqabad ku noqoto , ciidamadu waxaan u diyaarineynaa ilaalinta amniga iyo xoreynta deegaanada maqan ,waxaana ku amrayaa in cidda ka hortimaada Amniga ay xoog iyo xeeladba u adeegsadaan.

Madaxweyne Qoor Qoor oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa yiri ” Waxaan maanta booqdey fadhiyada Ciidamada qalabka sida ee ka howlgala deegaanada Galmudug”

Waxaan warbixin kaga dhageystey taliyayaasha Ciidamada qalabka sida,

Caasimada