Trump oo isku meel dhigay Soomaaliya iyo Nigeria

0
189

Dolwadda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay ballaarinayso liiska waddamada ay ku soo rogtay xayiraadda dhanka socdaalka, waxaana haatan ay xayiraad ku soo rogtay waddamo lix ah, waxaana ka mid ah dalka Nigeria oo ah waddanka ugu dadka badan qaaradda Afrika.

Muwaadiniinta waddamada Nigeria, Eritrea, Sudan, Tanzania, Kyrgyzstan iyo Myanmar ayaa wixii haatan ka dambeeyo aan loo ogolaan doonin dal-ku-galka ama fiisaha qaar ee dalkaasi Mareykanka.

Haseyeeshee dadka u dhashay waddamadaasi ayaa wali booqan karaya dalka Mareykanka, waxaana loo ogol yahay in ay dalxiis ahaan ku tagaan gudaha Mareykanka.

Sanadkii 2018 ayaa dowladda Mareykanka waxay deganaasho siisay laba laab tiro ka badan marka la isku daro dadka shanta waddan ee kale ee haatan xayiraadda lagu soo rogay.

Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in tallaabadani la qaaday ka dib markii lixdani waddan ay ku guul dareysteen in ay gaaraan heerka ammaanka iyo xog wadaagga ee Mareykanka.

“Waddamadani ayaa inta badan doonaya in la caawiyo, balse siyaabo kala geddisan awgood, waxay ku guul dareysteen in ay ka soo baxaan shuruudaha dhanka amniga iyo wadaagga xogta ee u degsan Mareykanka,” ayuu yiri ku simaha xoghayaha arrimaha amniga gudaha ee Mareykanka.

Chad Wolf ayaa sheegay in saraakiisha Mareykanka ay waddamadani kala shaqeyn doonaan sidii sugidda amnigooda ay u gaarsiin lahaayeen heerka uu Mareykanka rabo si buu yiri looga qaado xayiraaddaasi.

Madaxweyne Trump ayaa markii ugu horreysay sanadkii 2017 waxa uu xayiraado dhanka socdaalka ah ku soo rogay muwaadiniinta dhawr waddan oo u badan Muslimiin oo Soomaaliya ay ku jiro.

Sanadkii 2018, Mareykanku waxa uu deganaasho siiyay dad reer Nigeria ah oo tiro ahaa kor u dhaafaya 8,000 oo qof. Isla sanadkaasi wuxuu sidoo kale deganaasho siiyay 2,000 oo qof oo u dhashay Suudaan, 290 qof oo u dhashay Tanzania iyo 31 qof oo Eritrean ah.

Mareykanka ayaa horey sanadkii 2017 xayiraad ugu soo rogay dadka u dhashay dalka Eritrea.

Muxuu yahay sharcigan cusub?

Mareykanka waxa uu sheegay in uu hakinayo bixinta dal-ku-galka mustaqbalka sababi karaya in qof ka yimid waddamada Nigeria, Eritrea, Kyrgyzstan iyo Myanmar uu helo deganaashaha iyo dhalashada Maareykanka. Dadka u dhashay waddamada Suudaan iyo Tanzania ayaan mar dambe loo ogolaan doonin in ay codsadaan in barnaamijka bakhtiyaanasiibka ah ee Green Card ay ku tagaan Mareykanka.

Wolf ayaa sheegay in sharigan cusub uusan saameyn ku yeelan doonin muwaadiniinta lixda waddan ee haatan lagu soo daray liiska waddamada xayiraadda dhanka socdaalka ahi lagu soo rogay ee doonaya in arrimo la xiriira caafimaad, booqasho iyo ganacsi wakhti yar ah ay ku tagaan waddanka Mareykanka.

Marka la eego dhamaan waddamadani, dalka Nigeria ayaa ah midka saameynta ugu weyn ay ka soo gaari doonto sharcigan cusub.

Madaxweyne Trump ayaa saxiixay sharci muran dhaliyay toddobo maalmood uun ka dib markii xilkaasi loo dhaariyay bishii Janaayo sanadkii 2017, waxa uuna ku doodayay in sharcigaasi uu muhiim u yahay ilaalinta danaha Mareykanka.

Waddamada uu horaan Trump xayiraadda ku soo rogay waxaa ka mid ahaa Soomaaliya, Iiraan, Liibiya, Suuriya, Yaman, Venezuela iyo Kuuriyada Woqooyi.

Trump ayaa intii uu ku guda jiray ololahiisa doorashada ee sanadkii 2016-ka waxa uu aad u eedeeyay dadka Soomaalida ah oo uu sheegay in ay Mareykanka ku faafinayaan xagjirnimo iyo argagaxisnimo.

Maxaa ka dhaxeeya Ilhaan iyo Trump?

Trump waxa uu xitaa gaaray in ay isku dhacaan Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed oo ka mid ah xildhibaannada Kongareeska Mareykanka.

Bartamihii bishii Febraayo ee sanadkii 2019 ayaa madaxweyne Mareykanka, Donald Trump iyo Ilhaan Cumar waxay marar badan warbaahinta isu mariyay hadallo kulul iyo eedo.

Xilligii ugu kululeyd waxay ahayd markii Trump uu ugu baaqay Ilhaan inay is casisho, ka dib markii ereyo lagu tilmaamay “Yuhuud naceyb” ay ku qortay barteeda Twitter-ka.

Bishii October ee isla sannadkii 2019, bogga intarneed-ka ee telefishinka CNN ayaa daabacay xog laga soo xigtay buug ay qoreen weriyeyaal ka tirsan wargeyska The New York Time oo ka hadlaya sida madaxweyne Trump uu u neceb yahay qaxootiga ka yimid Soomaaliya.

Sida lagu sheegay qoraalkaasi CNN, bilihii ugu horreeyay ee xukunka madaxweyne Trump ayaa madaxweynuhu wuxuu Elaine Duke oo xilligaasi ahayd kusimaha arrimaha ammaanbka gudaha weydiiyay sababta ay u mamnuuci la’dahay qaxootiga ka imaanaya Soomaaliya.

Xogta ku saabsan arrintan ayaa lagu daabacay buug cinwaan looga dhigay “Colaadda Xudduudda”, waxaana buuggan lagu muujiyay aragtida madaxweyne Trump ee ku aadan dadka ka soo jeeda Soomaaliya, kuwaasi oo uu arko in ay halis ku yihiin Mareykanka.

Sida lagu xusay buuggaasi, “madaxweyne Trump iyo Stephen Miller ayaa u muuqda in si gaar ah ay u neceb yihiin Soomaalida, waxa ayna Soomaalida tusaale u soo qaadan jireen mar kastaa oo ay doonayaan in ay muujuyaan halista dadka qaxootig ahi ay u keeni karaan Mareykanka.

BBC