Cawad oo faah-faahiyey kulankii Omamo

0
182

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa shalay magaalada Nairobi kula kulmay dhiggiisa dalka Kenya Raychelle Omamo.

Kulankan ayaa yimid ayada toddobaadkan ay dowladaha Soomaliya iyo Kenya wadeen dadaallo ay ku doonayaan in ay ku dejiyaan xiisadda labada dal muddada ka dhex oogneyd, dhowaan ka dartay kadib dagaal ka dhacay xuduudda.

Dadaaladaasi waxaa qeyb ka ahaa safar ay dhawaan Muqdisho ku tageen wafti uu hogaaminayey wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya, ayada oo sidoo kalena la filayo in madaxweyne Farmaajo uu booqdo Nairobi.

Cabdixaafid Cawil Ismaaciil ayaa wasiir Cawad wax ka weydiiyay dadaallada diblomaasiyadeed ee soo cusboonaaday ee labada wadan.

VOA