Coronavirus: Waddan uusan wali gaarin Coronavirus oo ku dhawaaqay Musiibo Qaran

0
225

Madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa ku dhawaaqay musiibo qaran, isagoo sababtana ku sheegay cudurka coronavirus, inkastoo dalkaas wali aan laga xaqiijinin hal kiis oo ka mid ah xanuunkaas.

Mr Mnangagwa ayaa sidoo kale dib u dhigay munaasabadda dabaaldagga maalinta xorriyadda dalkaas ee ku asteysneyd 18-ka bisha April, markaasoo ah 40 guuradii kasoo wareegtay xilligii ay gumeysiga ka xoroobeen.

Amar kasoo baxay madaxweynaha ayaa lagu mamnuucay in 100 qof ka badan ay meel isugu imaadaan.

Shirka ganacsiga caalamiga ah ee Zimbabwe(ZITF) oo la qorsheeyay inuu 21-25-ka bisha April ka dhaco magaalada ku taalla koonfurta-galbeed ee Bulawayo ayaa sidoo kale la baajiyay.

Xayiraadda lagu soo rogay kulamada dadka ayaa saameyneysa kaniisadaha, xafladaha aroosyada iyo kulamada ciyaaraha, waxayna socon doontaa muddo 60 maalmood ah.

Madaxweynaha ayaa shir jaraa’id oo uu war fidiyeenka ugu qabtay xafiiskiisa magaalada caafimadda ah ee Harare ku sheegay inaysan jirin xayiraado dhinaca safarrada ah.

Lakiin wuxuu ku taliyay in dadka kasoo safraya dalalka uu gaaray cudurka aysan waddankiisa Zimbabwe imaanin.

Wuxuu sidoo kale dadka reer Zimbabwe ku boorriyay inaysan u safrin dibadda, ilaa inta laga xakameynayo cudurkan saf-marka ah.

Coronavirus ayaa si weyn ugu faafay dunida, tan iyo markii uu soo ifbaxay bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay.

Isku darka tirada dadka uu ku dhacay kuug ahaan caalamka ayaa hadda kor u dhaaftay 200,000 oo ruux.

In ka badan 8,000 oo qofka way u dhinteen xanuunkan oo lagu magacaabay Covid-19.

Talyaaniga ayaa ah waddanka uu saameynta ugu xun ku yeeshay, marka laga soo tago Shiinaha, oo ah halkii uu kasoo billowday Coronavirus.

Calaamadaha ugu waaweyn ee Coronavirus

Caabuqan ayaa la sheegay inuu calaamadaha qaar kala mid yahay hargabka, hase ahaatee uu xoogaa ka awood badan yahay.

Astaamaha ugu waaweyn ayey khubarada ku sheegeen inay ka mid yihiin:

  • Qandho daran
  • Qufac
  • Neefsashada oo dhib noqota

BBC